X

Qoyska Caydiid Lafcambe oo ummada uga mahadceliyey Tacsidii geerida marxuum Maxamuud Caydiid


Toronto- Maxamed Cismaan Adan ayaa sheegay inay muujinayso ehelnimada iyo wax-isu-ahaanshaha tacsidii guud ahaan ummadu ka bixisay geeridii marxuum Maxamuud Caydiid Raage, si weyn uga mahadcelinayaan dhamaan qoyska Caydiid Lafcambe.

Dhambaal mahadnaq la xidhiidha tacsidii bulshada reer Somaliland iyo guud ahaan ummadu ka bixisay geeridii marxuum Maxamuud Lafcambe, oo qoyska Caydiid Lafcambe soo saareen ayaa lagu sheegay in bulshadu muujisay sida jidhkeenu isugu damqado.

Maxamed Cismaan (Indhoole) oo afkooda ku hadlayey dhamaan qoyska Reer Lafcambe ayaa yidhi,

“Dhamaan qoyska reer Caydiid Lafcambe, waxay u mahadnaqayaan, qoyskii, asxaabtii noo yimi, ama naga tacsiyadeeyey geeridii marxuum Maxamuud Caydiid Lafcambe, waxaan leenahay Ilaahay ha idinka abaalmariyo, aad baan idiinka mahadnaqaynaa.

Maxamed Cismaan ayaa sheegay in tacsidaa ummadu u soo dirtay muujinayso wax-isu-ahaanshaha, waxaanu yidhi, “Waxaad muujiseen

Wax-isu-ahaanteena, waxaad muujiseen sidaan wax u wada leenahay, waxaad muujiseen sida jidhkeenu isugu xidhan yahay, waxaan leenahay, mar kale, ilaahay ha idinka jasaa’I siiyo.

Dhambaalkan ayaa ku soo beegmaya maalin ka dib, markii marxuum Maxamuud Caydiid Lafcambe, oo aaskiisa ka soo qeybgaleen boqolaal dad isugu jira, qoyskiisa, ehelkii iyo asxaab isaga kala yimi dunida dacaladeeda lagu aasay dalka magaalada Toronto ee dalka Kanada.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post