W/Q:Rashiid Sulub Caalin
Odhaahda aan cinwaanka uga dhigay maqaalkan waxay afkiisa ka soo baxday nin jaa-jaale ahaa, dadkana ka qoslin jiray oo makhaayadaha lagu shaaheeyo Hargeysa ku wareegi jiray, odhaahdaasoo macnaha ay wadato la iska wada fahmayo, waxase inkaari ka taagan tahay markay is biirsadeen sixir-barar aynaan hore u arag iyo busaaraddan faydatay. Labadaas arrimood ee isku darsamay waxay keeneen in qoysas badan quutal-daruurigoodii kasban kari waayeen, isla markaana ku sugan yihiin xaalad xun oo xagga dhaqaalaha iyo noloshii guud ah oo adkaatay ah.
Haddii aynu is waydiino culuum faro badan oo ku gedaaman arrimahaas, waxa la dareemi karaa in dadka badankoodu fahamsan yihiin sababaha iyo waxa keenay iyo sida wax looga qaban karayo, waxayna ila tahay inaan looga fursanayn arrimahaasi kuwa bartay cilmiga bulshada iyo dhaqaalaha inay darsaan, kana soo saaraan natiijo lagu muujiyo wax sabab u ah busaarada.
Waxa marag ma doon ah in wakhti kasta aynu khalad ku saxayn khalad (khalad fooqal-khalad), taasoo inagu gelifaysa in aynu dib u jaleecno 100-kii sanno ee ugu dambeeyey markii magaalooyinka la degay inta si fiican loo garan karo celcelis ahaan, halkaasoo ah meesha sartu ka qudhuntay, wakhtiyadaas dadku soo galayey magaalooyinka waxa la ogsoon yahay in dadkaas beeraha iyo miyiga ka soo hulleelay aan loo diyaar-garayn noloshii aasaasiga ahayd ee ay magaalooyinku lahaayeen, taasina markay muddo socotay waxay inagu dhalisay in mashaakil inaga horyimi mujtamac ahaan, iyadoo markii aynu magaalooyinka nimi wax-ka-qabashadoodii aynu ka meermeernay, aakhirkiina aynu waajihi kari waynay wax-ka-qabadkoodii.
Sidoo kale, jiilba jiilkii uu ka dambeeyey ayaad mooddaa inay faraha ka laabtaan maskaxdooda iyo xooggoodana uga faa’iidayn waayaan, taasina waxay kaliftay inaynu gacan shisheeye hoorsano, oo dantii guud aynu indhaha ka qabsano, isla markaana quutal-daruurigeennii gacmeheenna aynu kula soo bixi jirnay aynu ka gaabinay. Qawaaciidda adduunkan u yaalana waxa ka mid ah, qofka aad quutal-daruurigiisa cuntaa waxay kugu kalifaysaa inaad qaadato dhaqankiisa iyo fekerkiisa ha fiicnaado ama ha xumaadee.
Waxa marag-ma-doonto kale ah, in hagrasho weyn oo faro badan inagu gedaaman tahay, taasoo keenaysa keenaysa inaynu ka gaabino caalamku sida uu u xisaabtamo iyo dhaqamada kale ee tartanku ka dhexeeyo ha muuqdo ama qarsoonaadee oo aynu waxba qabsan wayno. Markaad eegto nolosheenana waxaynu dhex dabbaalanaynaa mowjado aynu xaqiiqooyinka jira iskaga indho-tirayno.
Bal adiguba is waydiiyoo xaggee lagu arkay quruumaha adduunka qof wakhtigiisii 24-ka saacadood ahaa oo iskaga jira qaad-cunis iyo macno-darooyin kale ama riyooyin khiyaali ah, waxaynu tusaale u soo qaadan karnaa ciidanku marka uu dabaal-degyada ku jiro ee uu dhoolatuska samaynayo, gaar ahaan waddamadii shuucigii ahaa sida Shiinaha iyo Woqooyiga Kuuriya ay soo bandhigaan cududooda si ay awoodooda u muujiyaan waxa soo mara madaxda hortooda guuto samaynaysa waxa layidhaah gaado-ka-ciyaarka oo intay gacmaha kelyaha ku qabsadaan inta sare ka ciyaarsiiya, dhoolatuskaas iyo gaada-ka-ciyaarkaasina waxa uu yimaad marka ciidanku fadhiyo ee aanu xaalad dagaal ku jirin, haddana guuto kaloo dhabarka wax ku raran waxay socod ku maraan madaxda hortooda, iyagoo ku dhawaaqaya cod muujinaya argagax-galin iyo siday wax iskaga celin karayaan.
Waxaan ku soo gaba-gabaynayaa, inaynu nolosha waajahno oo ayna wakhtiga inaga qaadin balwado xun-xun oo dib inoo dhigaya iyo macno-darro aan wax inoo soo kordhinayn, isla markaana aynu joojino gaado-ka-ciyaarka aynu kor ku soo xusnay, waxaanna loo baahan yahay inaynu noqono kuwo sida kamaandooska wax kasta jiidhaya oo aan cudur-daar la imanayn. Sidoo kale inaynu saxno qaladaadkii aynu samaynay markii aynu magaalooyinka soo galaynay ee aynu degnay, ee shuruudaha magaalo lagu dego aynu garab marnay.
Su’aashuna waxay tahay haddaynu dedaalno oo aynu is nidhaano saxa qaladaadkaas dacay 100 sanno ee magaalooyinka aynu degnay, dhabarkana inaga jabiyey ee ulakaca ahaa, bal iyadoo tiknoolajiyadan casriga ahna ina caawinayso immisa sannadood ayeynu ku sixi karnaa ama kaga gudbi karnaa xaaladahan ina haysata? Se ayaa naftiisa huraya 30 sannadood oo dhexda xidhanaya? Haddii kale sida dhallinyaradu ay u waajihi kari laadahay noloshan adag ee ay u samri la’yihiin waddankooda nolosha adag ka jirta, iyadoo ay waalidkoodu ka gaabiyeen inay niyadda u dhisaan oo ay baraan in waddanka loo samro, ayuunbay uga tahriibi waddanka, ugana baxsan sida hadda jirta, sida la yidhina sannadkii tegay waxa badda iyo saxaraha ku halaagantay ilaa 3 kun oo qof dhallinyaro u badan hablo iyo innamoba leh, halkaasna waxa ku lumay xoog iyo maskax aan iib lagu helayn.
Sidii aan hore u sheegayna dagaalada badan ee inagu socda ee halganka u baahan marka ciidanku dagaalka ku jiro inta aanu jabin waxa caadi ah in gurmad loo diro, iyadoo ay diyaar garoobaan ciidankii kaydka ahaa. Sidaa daraadeed jiilkaas baxaya jiilka ka horreeyey ee soo dagaamay Ilaahay waa inay xaytaan oo ay dhigaan cumaadaha, bakooradda iyo koofiyadda lagu odayeynayo oo ay heegan galaan, oo dhowaan sidii laygu yaqaanay aan siidhigii ugu dhufan doono si ay degdeg ugu soo kacaan, haddii kale waxa waddankan soo degi doona aakhirka quruumo kale.
Ugu dambayn waxaad wax wax ku qaadasho mudan odhaahdii cajiibka qabtay ee Profosserkii weynaa ee abwaanka ahaa Cabdillaahi Suldaan Tima-cadde uu yidhi oo ahayd; ‘qof walowba wixii kula gudboon hoos u dhugo.’
Qosol lagama maarmee ninkii jaa-jaalaha ahaa ee Warsame la odhan jiray, ayaa reerkooda oo miyiga yaalay ka soo baxay si uu magaalada wax uga soo iibsado, balse dadkoodii miyiga deganaa ayaa xoolo badan oo ay isku soo dardareen u dhiibay, kana codsaday inuu sayladaha ka soo iibiyo, balse markii uu xoolii iibiyey ayuu iska fadhiistay magaaladii, lacagtii xoolaha laga siistayna uu ku qayilay, iyadoo markii la waayey ay dadkii xoolaha lahaa ergo u soo direen, kuwaasoo markii ay u yimaadeen weydiiyey halka uu geeyey lacagtii, waxaannu ugu jawaabay ninkii jaajaalaha ahaa; ‘shillinba shillin sidii uu u cunayey ayaan shillinkii ugu dambeeyey is idhi lafahaaga ayuu kuu cuni doonaaye cun, sidiina wuu ku cunay.’
W/Q:Rashiid Sulub
Email:fatxisulub@gmail.com