X

Qormo Muhiim ah: Kaabayaasha Dhaqaalaha

Sidaynu ognahay markii waddanka lagu soo noqday waxa la isticmaali jiray dhowrkii waddo ee uu sameeyey maamulkii Maxamed Siyaad Barre. Markii dambe looma helin dhaqaale dib loogu habeeyo jidadkaas burburay amma qaar cusub lagu dhiso. Marka laga reebo dawladaha hoose iyo Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Gaadiidka oo wax yar hag-hagaajiyey.
Haddaba, 10-kii sanno ee u dambeeyey waxa muuqda in la gaadhay horumar dhinaca maamul-wanaagga ah, kadib markii dawladda dhexe iyo dawladaha hoose sameeyeen qorshayaal dib loogu dhisayo waddooyinkaas hore, qaar cusubna lagu hirgalinayo, iyagoo kaashanaya dadweynaha kala duwan ee ku dhaqan waddo kasta oo la dhisayo. Waxa dadweynuhu bixiyeen inta ugu badan ee kharashka ku baxaya waddooyinkaas, halka dawladda dhexe amma dawladaha hoose bixiyaan boqolkiiba inta loo qorsheeyo. Waddooyinkaas layska kaashaday kuma wada sheegi karno halkan, laakiin waxaynu ka soo qaadan karnaa waddada Ceerigaabo oo baahi weyn loo qabay, waddada Dowga-cad, waddada Balligubadle, waddada Sallaxley, Dila ilaa Wajaale iyo kuwo kale. Sidoo kale, qaar badan oo ka mid ah magaalooyinka Somaliland waddooyinka dhexmara ayaa layska kaashaday lana hirgaliyey.
Waa Ilaahay mahaddii talaabadaas maamul-wanaagga ah ee la qaaday, oo tacab, hanti iyo xoog badan ku baxay. Laakiin waxa muhiim ah, in laga wada shaqeeyo sidii waddooyinkaas la sameeyey aanay u waxyeelloobin, oo laga ilaaliyo wax kasta oo dili kara tayada waddooyinkaas. Hadday noqoto marka hore ee waddada la bilaabayo in loo sameeyo qorshe tayeysan oo loo samaynayo dhammaan wixii ay u baahnayd waddo mustaqbalka la manaafacaadsado sida meelihii biyuhu marayeen iwm.
Dhinaca kale, dadweynaha waxa waajib ka saaran yahay in ay dhinacooda ilaashadaan waddada oo ay ka dhowraan wax kasta oo waxyeelayn kara waddada sida in ay biyo wasakh ah ku soo daadiyaan amma inay waddada dhexdeeda jiidaan wax adag sida garaa’idka, iyadoo imika aad arkayso waddooyin la hagaajiyey oo haddana muddo yar ka dib hogag waa weyn yeeshay, koontiinaro la mariyo jidadka iyo askari jiifa oo qof walba gurigiisa hortiisa ka samaysanayo.
Maamul-wanaaggu wuxuu ina barayaa, in wixii aynu gacanteenna ku samaysanno uu noqdo wax tayo leh oo raaga mustaqbalka. Taasi waxba innagu kici mayso, maadaama maalkii iyo xooggiiba la galinayo, isla markaana joogaan injineerradii loo baahnaa.
Qallinkii: Rashiid Sulub Caalin. Email:sulub2007@yahoo.com Tel:0634426781

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post