Wiil shan jir ah oo Aabbihii u dhago-nuglaa ayaa Aabbihii dhawr jeer ka codsaday, “in uu baaskiilad u soo iibiyo.” Markii codsigaasi soo noqnoqday ayuu odaygii suuqa galay oo ka soo iibiyay baaskiilad laba kursi leh, taas oo uu ugu talogalay in wiilka ka yar oo laba sanno jir ah uu la wadaago.
Dhacdadaasi waxa ay keentay arrimo haddii si qoto-dheer loogu fiirsado laga dhex dareemi karo khatarta caddaalad-darrada iyo sinnaan la’aantu ay leedahay:
…Wiilkii yaraa waxa uu diiday in uu kursiga dambe fadhiisto, sababata oo ah waxa uu u arkayay in laga doorbiday ka weyn. Waad dareemi kartaa wiil labo jir ah oo aan hadalka si fiican u baran, waxa uu itaal biday dagaal iyo xafiiltan, markii laga xoog roonaadayna ‘Oohin iyo Cadho joogto ah.
Keliya cadhadii kuma ay koobnaan wiilka uu ficiltanku ka dhexeeyo ee waxa uu calool-xumo u qaaday Aabbihii. Dhinaca kale, hooyaddiina waxa ay la safatay wiilkii guri-dambayska ahaa, iyada oo hiiftan iyo canaan joogto ah ku asqaysay Odaygii is lahaa naxariis u samee carruurtaada.
Odaygii markii uu hadhsan waayay, farxaddii iyo raynrayntii guriguna ligligatay ayuu go’aansaday in uu baaskiilad labaad u soo iibiyo wiilka yar.
Dulucda sheekadaas kooban waa dhibka iyo cawaaqib xumada caddaalad-darrada iyo sinnaan la’aanta u leedahay yar iyo weynba. Sidaas awgeed, madaxweynaha la doortay waxa la gudboon in dadka uu mas’uulka ka yahay – sida uu ballanqaaday, lagana rajaynayo – uu u caddaalad falo inta karaankiisa ah.
Waxa dhici karta in dadka qaar ka mid ah ay ugu manno sheegtaan waxa aanu kugu soo saarnay cod, maskax iyo maal, iyaga oo ka rajaynaya abaal-gud u gaar ah. Nasiib-wanaag inta aan ka aqaanno madaxweynaha la doortay, Mudane Muuse Bixii Cabdi – halku-dhegyadii ololuhuna tibaaxayeen waa arrin aan ka suurtogalayn, waayo waxa uu og yahay in xaalku ku danbayn doono sida qoyskaas aynu kor ku soo xusnay iyo si ka xun.

Faa’iidooyinka caddaaladda iyo Sinnaanta waxa inagaga filan qisadan: ‘Markii uu Cumar Bin Khadaab (Illaahay ha ka raali ahaadee) la wareegay maamulka muslimiinta ayaa boqorkii dawladdii Beershiyaanka – oo wakhtigaas ku jirtay kaalinta uu hadda ku jiro Maraykanku – u soo diray mid ka mid ah hoggaamiyayaashiisii ugu geesisanaa oo la odhan jiray Hurmusaan, waxaana uu yimi magaalada Madiina oo ahayd caasimaddii dawladdii Muslimiinta. Hurmusaan markii uu soo gaadhay aqalkii Cumar ayaa loo sheegay in uu masjidka ku maqan yahay, haddana waxa uu ka waayay masjidkii, waxana uu ugu danbayn helay Cumar Binu Khadaab oo geed hoostii jiifa, labadiisii kaboodna barkaday, kolkaas ayuu aad uga yaabay ninka magaciisu gaalo oo dhan uu ka yaabiyay cabsi ay ka qabaan awgeed iyo sida uu geedkan isaga hoos jiifo.
Ninkaas geesiga ah, waa Hurmusaanee, ayaa waxa laga qoray hadal taariikhda galay oo macnihiisu yahay; “Caddaalad ayaad samaysay, kolkaas ayaad aammin noqotay oo cabsi ka nabadgashay, dabadeedna waad seexatay (geed cidlo ah hoostii)”.
Caddaaladdu keliya maaha in kuraasta sarsare si siman loogu qaybiyo beelaha, ee waxa loo baahan yahay in dadku u sinnaadaan dhinac walba, sida ilaha dhaqaale, ganacsi, deeqaha waxbarasho, shaqo-abuur, caafimaadka iyo guud ahaan kaabayaayasha nolosha iyo horumarka oo dhan.
Fiiro-gaar ah: Qormadan iyo aragtida ku duugan aniga ayay gaar ii tahay.

W/Q. Mustafe Adam

kibaaro@gmail.com