Qorre: Axmedyaasiin Sheekh Cumar Sheekh Axmed Furre

Republican president-elect Donald Trump delivers his acceptance speech during his election night event at the New York Hilton Midtown in the early morning hours of November 9, 2016 in New York City. (Photo by AFP)

Republican president-elect Donald Trump delivers his acceptance speech during his election night event at the New York Hilton Midtown in the early morning hours of November 9, 2016 in New York City. (Photo by AFP)


Madaxweyne Richard Nixon
Madaxweynihii 37aad ee dalka Maraykanka oo ahaa madaxweynihii ay saamaysay fadeexadii la baxday Watergate, kaasoo ahaa in waxqabad fiican, laguna xasuusto tallaabooyinkii uu qabtay oo ay ka mid ahayd sidii uu u soo afjaray dagaalkii waqooyiga Fidnaam.
Olilihii doorashadii qaybtiisii labaad markii uu afar sanno madaxweyne ka ahaa waddanka ayaa doorashadii labaad ee 4 sanno ee dambe, waxa dhacday in shan nin ay jabsadeen xafiiskii xarunta guud ee xisbiga Dimuqraadiga sannadkii 1972, xilligaas oo tartan xoogan ka dhexeeyey xisbiga kale ee Jamhuuriga, waxaanna la ogaaday in shanta nin ay xidhiidh la leeyihiin Madaxweyne Nixon, kana mid yihiin raggii dhawaa ee u qaabilsanaa olalaha doorashada, waana la xidhay 5 nin ee xafiiska jabsaday.
Baadhitaan ballaadhan oo ay samaysay Hay’adda FBI-du, ayaa lagu ogaaday in ay meesha ka dhacday fadeexad wayn, waxaana caddaatay in si musuq ah uu Madaxweyne Nixon ku soo baxay doorashada, waxaanna la bixiyey laaluush iyo fadeexado kale oo maamul, taasoo gaadhay ilaa aqalka sare wakiillada Maraykanka, waxaana soo baxday fadeexadda caanka noqotay ee la yidhaahdo (Watergate), taasoo noqotay eray caan ah oo loo isticmaalo fadeexadaha dhinaca siyaasadda, waxayna arrintaasi keentay inuu xilka iska casilo Madaxweyne Nixon, isagoo xafiiska ku wareejiyey Madaxweyne-ku-xigeenkiisii oo la odhan jiray Genaral Ford.
Intaas ka dib, waxa Madaxweyne Nixon uu qoray lix buug oo kala ahaa;
1- Six crises
2- The Erena
3- No more Viatnems beyond the peace
4- Victory without the war
5- Real peace and no more Viatnems
6- The memoirs of Richards Nixon Volume
7- The Poetry of Richard Nixon.
Wuxuu sumcaddiisii ku kabay buuggaagtan oo uu kaga hadlayo khibraddiisii shaqo ee aqalka sare ee Maraykanka.
Madaxweyne Donald Trump
Saadaasha adduunka ee ku waajahnayd ololihii uu doorashada ku galay Mr. Donald Trump wuxuu u eekaa mid guuldaraysanaya, marka loo eego hadalada aan khibradu ka muuqan ee uu ku kaambayn gareeyay murrashaxa xisbiga Jamhuurigu.
Wuxuu Mr. Trump ku adkaystay inuu aad uga soo horjeedo muslimka adduunka oo uu sheegay inay nacayb u hayaan dalka Maraykanka iyo dadkiisaba, wuxuuna yidhi; ‘waxaan meesha ka saari doonaa dadka muslimka ah ee Maraykanka jooga iyo dadka bilaa sharciga ah ee u badan muslimka, sida dadka Suuriya, Soomaalida iyo kuwa reer Mexico.”
Waxa kaloo uu si toos ah u sheegay inuu dhammaaday xilligii muslimka Carabta ah, isla markaana ay la mid yihiin sacii la jiqi jiray ee gudhay. Mr. Donald Trump ma laha wax khibrad shaqo ah, arrimaha siyaasaddana wax badan kama yaqaan, iyadoo aannay jirin aqoon uu u leehay maamulka siyaasadda arrimaha dibadda iyo saamaynta Maraykanku ku leeyahay dalalka Adduunka, waxa kaloo uu kala qaybiyey xisbiga uu ka sharaxnaa ee Jamhuuriga, oo ay xubnihii ugu cuslaa diideen inay codkooda ku taageeraan.
Haddaba, su’aashu waxay tahay Donald Trump, iyadoo aanay saadaashu marnaba sheegin in uu ku guulaysan doono xilka Madaxweynenimo, waxa uu haddana ku guulaystay in loo doorto Madaxweynaha Maraykanka.
Gobollada shakiga xoogga ah ka yimmi, la iskuna haysto codadkooda waxa ka mid ah;
1- Winsconson
2- Pennsylvania
3- Michigan.
Buuq badan oo ka yimmi dhinaca taageerayaasha Hillary Clinton, ayaa keenay in la ogolaado in dib loo tiriyo codadka qaar ka mid ah gobollada dalka Maraykanka, halka sidoo kale ay arrintaas taageereen xisbiga la yidhaa Green Party, waxaana la tiriyey meelo kala duwan ilaa hadda.
Maalmaha soo socda waxaa la filayaa in gobollada kalena la tirin doono haddii shakigani uu caddaado, waxayna mar labaad taariikhda Maraykanku gali doontaa ceebtii Watergate, waxana soo afjarmi doonta dimoqraadiyaddii la sheegi jiray ee Maraykanka.
Qore: Axmedyaasiin Sheekh Cumar Sheekh Axmed Furre