Dhibaatada Tahriibta Iyo Qisada Xanuunka Baddan Ee Fadxiya Xuseen

#Araweelo_News_Network

 

Isku daygii Fadxiya xuseen ee ahaa inay gaadho jaziiradda Mayotte ee ku taalla badweeynta Hindiya ayaa ku soo dhammaaday murugo iyo xanuun.

Fadxiya Xuseen waxay ahayd gabadh dhallinyaro ah , oo ganacsi hir galay ku lahayd xaafadda Yaqshiid ee caasimadda Somalia ee Muqdisho. Ganacsiga hirgalay ee ay Fadxiya Xuseen ay lahayd wuxuu ahaa qurxinta dumarka (Beauty Salon ).

Qoyska gabadhan oo ku geeriyootay badweynta Hindiya ayaa sheegay inay hal mar waayeen gabadhoodii, Samiira oo ah walaasheeda ka yar ayaa sheegtay inay Fatxiya si hoose ula heshiisay rag wax Tahriibiya, kuwaasi oo u ballan qaaday inay si Nabad ah ku geyn doonaan jasiirradda Mayotte oo ku taal badweynta Hindiya, taasi oo loo yaqaan Gobolka Bannaanka ku yaalla ee Faransiiska.

1-dii bishian ee November, 2024 ayeey ka duushay magaalada Muqdisho iyadoo ka degtay magaalada Mombasa ee dalka kenya, ka dibna waxay gashay safarkii halista badnaa ee nafteeda iyo Nafo badan oo kale galaaftay.

Doonta ay raacday ayaa la sheegay in Tahriibiyeyaashu ay saareen dad badan oo gaadhaya 70 qof. sidoo kale waxaa la sheegay in ragga wax Tahriibinaya ay rabeen lacagta oo keliya, waxaana la sheegay inay doontii ka furteen matoorraddii, oo bad weeynta dhexdeeda uuga Tageen dadkii.

Samiira Xusseen oo ahayd Fatxiya xuseen walaasheed ka yar ayaa BBC-da u sheegtay inay qooyskoodu ku war heleen in Gabadhoodu ay u dhimatay Gaajo, ka dib markii ay diiday inay cunto Kalluun-ka qaydhin iyo biyaha dhadhaan ee badda. markii ay dhimatay waxaa lagu tuuray badda. Samiira ayaa sheegtay inay Qooyskoodu ogaadeen geerida gabadhooda 14 cisho kaddib.

Markii ay xumaadeen doomihii ay dadku saarnaayeen , waxaa dadkii lagu daad gureeyey doomo yar yar, waxaana loo sheegay inay jasiiradda Mayotte ay ku tegi doonaan 3 saacadood, balse xaqiiqadu waxay tahay halka ay dadkaasi ku halaagsameen in jasiiradda Mayotte looga socdaa 3 isbuuc. Halkaa waxaa ka cad in dadkaasi ay khiyaameen raggii Tahriibiyeyaasha ahaa ee lacagta ka qaatay.

dadka badbaaday waxaa badbaadiyey kalluumaysato reer Madagascar ah kuwaasi oo mar dambe u soo gurmaday dadkaasi.

WQ/Axmed Xasan Saalax