Qallin Jabisaye Maxaad Qaban?
By Mustafe Abdirahman Ismail
‘Tacabka Waalidka iyo Talo La’aanta Qaranka’
Waxa muddo ku siman bil laga joogaa xilliyadii ay ardaydu sannadkan ka qallinjabiyeen jaamacadaha dalka, xafladdo kala duwan, hambalyooyin iyo haddiyado intaba indhahaygu waa ay ku dhacayeen, waxa kaloo sannadkan ii sii dheeraa indhahayga oo qabanayay gawaadhi loo soo sharaxay sidii aroosyada, balse lagu sido amaba ay wataan ardaydii ka qallinjabisay jaamacadaha qofkasta oo qallin-jabinaya waxay u ahayd maalin uga xardhan maalmaha kale “Alaylehe waabay tahaye…”
Qudbadaha xafladaas laga jeedinayay, waxa ugu badnaa dhiirigelin iyo in ay ardayda jaamacadaha dhammaysatay ay yihiin kuwa nasiib leh, iyo in ay halganka waxbarashada aanay halkaas kaga hadhin ee ay sii wadaan.
Ardaydeena jaamacadaha ka baxay waxa ay u soo dhabar adaygeen heerar nololeed oo kala duwan, iyagoo markasta ilaalinayay himilada guud ee ah ardaygu marka uu jaamacadda soo dhammaysto in uu shaqo heli doono oo uu noqon doono mid manaafacaad u yeesha naftiisa, qoyskiisa iyo bulshadiisaba.
Waxa kaloo iga xasuusin ah, ardayda dhammaysatay jaamacaddaha ma aha keliya inaan ku qiimayno inay soo dhammaysteen afar sanno ee heerka jaamacadeed lagu jiro oo keli ah, laakiinse waa in aynu maskaxda ku hayno in ay waxbarashadani la soo bilaabantay ilaa maalinti arday kastaa gaadhay da’da (5) amaba ka yar ilaa heer jaamacadeed.
Heerarkaas kala duwan ee ay la soo martay waxbarashadu waxa ku lammaan dhibaatooyinka nolosha oo dhan bal aan soo qaato hal tusaale: ardayda dhigata jaamacaddaha waxa ka mid ah arday badan oo aan waalidkood awoodin in uu xataa ka bixiyo (tuition fee) lacagta ardaydu bixiso ee haddana sannadahaas faraha badan meel uun ka maaraynaya ileen waa WAALID’E oo fadhi uma soo gelin’e.
Taasi waxay ku tusaysaa wanaagga iyo dul-qaadka waalidkeennu markasta inoo hayo. Markanna waa markaan is idhaa ALLA WAALIDKEEN WANAAGSANAA OO DULQAAD BADANAA, waa marka ardaygii sannadkii hore ee uga baxay jaamacadda uu bilaa camal yahay kii sannadkan qallinjabiyayna bilaa camal yahay ku kale oo aanay awoodin kharashka uu jaamacadda ku dhiganayo u hawlgala ee haddana geed dheer iyo geed gaaban ba u fuula in ka saddexaadna qallinjabiyo, waayo waalidku waxa uu ku taamaa waa ilmihiisa oo aqoon leh oo shaqaysanaya inuu mar uun arko, haddii taasi dhici wayday se aan marna ka rajo dhigayn sidii ubadkaasi nolosha kaalin uun uga geli lahaayeen.
Haddaba, ardaydaas iyo waalidkaasi ma waxay abaal u heleen in la yidhaa waxbarashada ha ka hadhina, mise in shaqo-abuur loo sameeyo? Waa su’aal jawaab u baahan.
Iyadoo dhibaatadu intaa le’eg tahay ayaan haddana dhammaan bulshadeenna aanay u soo jeedin sidii inta caqliga iyo cududaha la mideeyo looga hortagi lahaa SHAQO LA’AANTA ina curyaamisay oo aynu ku mashquulsannahay shir-beeleed, iyo doorashooyin, halka ay kuwii wax dooran lahaa, amaba la dooran lahaa suuqyada bilaa camal ku yihiin ee cid u damqanaysaa aanay jirin.
Haddii ardayda jaamacadaha dhammaystay shaqo-abuur loo samayn waayo oo jiilba-jiil qallin-jabiyey soo gaadho waxa iman doonta maalin ay quwad noqdaan oo xal-u-heliddoodu aad u fogaato.
Waxa aan ku soo gunaanadayaa aragtidaydan yar in Wasaaradda Waxbarashada iyo Wasaaradda Qorsheynta Qaranka iska kaashadaan in ardayda la baro xirfadaha waddanku u baahan yahay iyo in loo sii qorsheeyo halkii ay aqoontaas ugaga faa’iidayn lahaayeen dalkooda.
Mustafa A. Ismaaciil
Mustafe_49@hotmail.com