X

Prof: Xamdi Macno La’aan Ama Shirqool Midkee ku Xidhan Yahay?

Prof: Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)

W/Q. Deeqa M Good (Hooyo soomaaliyeed)

Prof: Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi) oo ahaa Macalin sare oo wax ka dhiga jaamacaddaha dalka Somaliland muddo dheer, isla markaana ahaa muwaadin dalkiisa jecel oo wax badan usoo qabtay. Waxa la xidhay 21/03/2019, ka dib markii uu qormo (post) ku soo qoray facebook-giisa uu kaga waramayay adeegsiga caqliga iyo aqoonta iyo ka fogaanshaha khuraafaadka.

Prof: Maxamuud (Xamdi) qoraalkaa wuxuu u adeegsaday erayo ay dad badan dhibsadeen oo ay u arkeen gaalnimo iyo Aflagaado Ilaahay SWT, in kastoo Prof: Maxamuud (Xamdi) aanuu aflagaadada Ilaahay SWT u jeedin, Haddana raaligalin ayuu ka bixiyay qormadaasi wuuna ka baabiiyay facebook-giisa ka dib markii ay bulsho badan sidaasi ka codsatay ka hor inta aan la xidhin.

Iyadoo sidaasi oo dhami jirto, haddana Prof:Maxamuud (Xamdi) si sharci darro ah ayaa loo xidhay (Waaran La’aan), waxaana lagu xukumay laba Sanno iyo Lix bilood, waana laga reebay Cafiskii Madaxweyne ee bisha May 2019.

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Khaliil Cabdullaahi Axmed, ayaa Prof: Maxamuud (Xamdi) usoo jeediyay inuu toobad ku socota wasaaradda uu sameeyo, Prof: Maxamuud Xamdi-na wuu aqbalay si uu xorriyaddiisii u helo, ka dib wasiirku wuxuu qoray warqaddan aan ku soo lifaaqay qormadaydan, isagoo ku caddeeyay in Prof: Maxamuud(Xamdi) u toobad keenay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Wasaaradduna ay toobadda ka Aqbashay.

Iyadoo arrinku sidaasi yahay, haddana ilaa 9 bilood ayuu weli xidhan yahay Prof: Maxamuud (Xamdi). Ka dib markii Maxkamadda Racfaanka Gobolka M/Jeex mar 2aad ku xukuntay Prof: Maxamuud (Xamdi) 2 sanno iyo badh, ayaanu weydiinay Wasiir Khaliil sababta keentay in mar 2aad la xukumo, wuxuuna noogu jawaabay in Prof: Maxamuud (Xamdi) aanuu u xidhnayn wasaaradda iyo arrin diimeed midna, balse uu u xidhan yahay Madaxweynaha Somaliland.

Annagu haddaanu nahay Ehelada Prof: Maxamuud (Xamdi), waxaanu u aragnaa xadhigiisa mid lagu cabudhinayo aragtiyihiisa siyaasadeed ee bulshada danta u ahaa, iyadoo bulshadana lagu diray loona sawiray xadhigiisa mid diinta loogu hiilinaayo.

Sidaa daraadeed cid kasta oo ka qayb qaadan karta sii daynta Prof: Maxamuud (Xamdi) waxaana ka codsanaynaa inay kaalinteeda ka qaadato, sababtoo ah bulshadu doon qudha ayey wada saaran tahay, oo xorriyadda iyo cabudhintu labaduba waa kuwo aan loo kala hadhayn.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

Deeqa Maxamed Good

Email: deeqagood97@gmail.com

Deeqa M Good (Hooyo soomaaliyeed)

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post