“Waxa Daraawiishtu adeegsan jirtay rag la tababaray oo ilko fiiqfiiqan, looguna talogalay inay ilkaha ku googooyaan eedaysanaha xujoobay”
Prof Gees iyo qormadiisa Dharaaro Xusuustood
Araweelo News Network
Hargeysa (ANN) Prof. Maxamed Siciid Gees oo ka mid ah siyaasiyiinta aqoonyahanka ah ee reer Somaliland, ayaa sheeko xikmadaysan ku sifeeyey sida dalalka Soomaaliya, Jabuuti, Masar, Sucuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Turkigu u takooreen qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, una diiddan yihiin qaddiyadda ictiraafka.
Prof. Gees oo soo saaray qaybta 46aad ee qormooyinkiisa Dharaaro Xusuustood shalay, waxa uu iftiimiyey caddaalad-darooyinka deeqaha waxbarasho ee dalka Masar bixiyo iyo isagoo sidoo kale naqdiyey in siyaasiyiinta reer Somaliland u haystaan inay walaalo yihiin dalalkaas ka soo horjeeda aqoonsiga dalkooda.
“Sida warbaahinta Koonfureed sheegtay siddeed boqol (800) oo fiise ayaa laga qaatay safaaradda Masar ku leedahay Xamar oo ay ka codsatay Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya. Wakiillo ayaa Somaliland u jooga oo fududeeya fiisayaasha, baasaboorrada iyo waraaqaha kale ee loo baahdo.
Deeqihii waxbarashada dibedda, shaqada hay’adaha dhawrta bixiyayaasha ah (qaadhaan-bixiyeyaasha) intiiba Xamar ayaa laga bixiyaa, iyada oo markan doollar lagu gato. Waa intii goonni-isu-taagga loogu qaatay. Findhicilku ma xalaal baa mise waa xaaraan? Waa lays waydiiyey?! Jawaabtii waxay noqotay; soo qaadkiisa ayaaba diiday. Mar kasta khayrqabe siyaasi ah waxa uu leeyahay; “Walaalaheen reer Soomaaliya, walaalaheen reer Jabuuti, walaalaheen reer Masar, walaalaheen Sucuudiga, walaalaheen Turkiga, walaalaheen Imaaraadka.” Nin ayaa laga hayaa; “Waar qaar aynu habaro-wadaag nahay miyaan ku jirin?” Habraha ayaa naxariis badan eh. Tani waxay la mid tahay sheekadii Aw Rifaaci.
Aw Rifaaci waxa uu ahaa nin reer Laas-qoray oo ilbax ah badmareen ah oo cadarka, dharka, xalwadda iyo sabiibta Cadan (Yemen) uga keeni jiray Ina Cabdulle Xasan; kadibna waxa la sheegay inuu xujoobay. Jidh-dil (Torture) ayaa lagu sameeyey, habkan Maraykanku soo saaray ee joonyadda madaxa la isu geliyo, kadibna biyaha la isku hafiyo (Water boarding) lama aqoon. Waxa Daraawiishtu adeegsan jirtay rag la tababaray oo ilko fiiqfiiqan, looguna talogalay inay ilkaha ku googooyaan eedaysanaha xujoobay.
Aw Rifaacii ayaa qoladii lagu fasaxay oo ilkaha ku boobay, kadibna markaas ayuu jalaaday, hasa yeeshee, cidina dheg uma jalaqsiin. Markii loo keenay Ina Cabdalle Xasan ayuu weydiiyey Aw Rifaaci su’aal ahayd; “Maxaad yaa Muslimaay u odhan weyday?” Aw Rifaaci waxa uu ku jawaabay, “Muslinku saw kan i cunaya!” Hadda walaaluhu saw kuwan ina takooray ee ictiraafka inoo diiday!”
Prof. Maxamed Siciid Gees, ayaa sidoo kale ka hadlay tahriibka dhallinyarada, waxaannu yidhi; “Dhallinta Ilaahay ha u naxariisto, ehelkoodiinna samir iyo iimaan ha ka siiyo, maadaama hadda waxbarashadii ay ku koobnaatay xifdi iyo gabay oo Carabiga iyo Ingiriisida waagii hore la baran jiray, xirfadi ha joogtee iyana la waayey.
Dhallintu iyadoon af kale aqoon ayey tacabireen, deeto doon qudha ayey dhawr boqol ku wada raaceen. Haddii ay xataa Afcarbeedka wax ka garan lahaayeen dadka ayey kala dhexgeli lahaayeen ee sidii xoolaha looma rareen. Sida Suldaan Maxamed sheegay waar manhajka dugsiyada ha lagu daro dabbaasha, gaar ahaan kuwa xeebaha ku yaal. Bishan gudaheeda afar carruur ah ayey baddu ku liqday Berbera iyo Lughaya.
Digtoor Cali Cabdiraxmaan Xirsi oo ahaan jiray hormoodkii Kulliyaddii Lafoole iyo Guddoomiyihii Akaadamiyadii Dhaqanka iyo Cilmiga oo dhowaan soo booqday Hargeysa, ayaa qoray cilmi-baadhis uu ka sameeyey waxa uu ku tilmaamay “Raadka Carabnimadu ay ku leedahay taariikhda Soomaalida.” “The Arab factor in Somali History.” Daraasaddaas oo dheerayd, waxa uu ku soo qaaday in Carabtu diinta Islaamka ku fidisay carriga Soomaaliyeed. Waxa uu ku daray in Islaamka la fidiyey uu ahaa Shiica!! Oo Soomaalidu Shiica ahayd, Bowee maxaa kuu baxay!
Marxabay yaa jiddal Xusayni!! Al-xusayni ayaan ahayn, hase yeeshee waa kuwee Soomaalida Islaamka loo geeyey, xaggee joogtay? Dad xoolo raacato ah diin lama bari karo ee waxa lagu fidiyey meelo la deggan yahay oo magaalooyin ah. Laba meelood ayaa laga degganaa geyga Soomaalidu hadda degto. Waa xeebta Banaadir (waxay ka soo jeedaa Bender oo afka Faarisiga ah oo magaalo la macno ah) ilaa Afgooye iyo xeebta galbeed ee Berbera, Saylac ilaa Harar.
Haddaba, dhinaca Banaadir ayaa Shiicadu ku fiday oo waa ta kaga tagtay madax-dhaqameedka la baxa imam, sida Imam Khumayni! Madaxweyne Xasan Sheekh, madax-dhaqameedkiisu waa Imam. Waxa la yidhaahdaa istunka magaalada Afgooye ee sannadkii mar la qabtaa waxa uu ka soo jeedaa is-garaaciddii Caashuura ee Shiicada!! “Labayk yaa Xuseyn!”
Dhinaca xeebaha galbeedka waxa ku fidayey Islaamka Sunniga ah, kaas oo Turkigu xoojiyey oo waa ka masaajiddada ka dhisay Berbera iyo Saylac oo waa ta dabadeed keentay in madax-dhaqameedyadii ay qaateen magaca suldaan. Magacaas oo ka soo jeeda dawladdii Turkiga. Madaxweyne Axmed Maxamed (Siilaanyo) madax-dhaqameedkiisu waa Suldaan, aniga waa Suldaan. Waar waxa salaaddu isu qabsan weyday, illeyn laba ardaa ayaan ka soo kala jeednaa qolooyinka Koonfureed!” ayuu Prof. Gees ku yidhi qormadiisa.
Waxa kaloo uu ka sheekeeyey taariikho hore oo khuseeya magaalada Berbera iyo arrimo kala duwan oo xiiso badan, waxaannu yidhi; “Sannadihii lixdamaadkii ee ay dawladihii rayidka ahaa ay ka talinaysay Jamhuuriyaddii Somaaliyeed, intaan askartu afgembiga samayn, ayaa la sheegay in macdanta Uranium (Yuraaniyam) laga helay meel la yidhaahdo Caliyo Geelle oo ku taal Gobolka Baydhabo. Markiiba fannaaniintii oo dawladda u shaqeeya (Waa inaan fannaaniintu aanay xukuumad u shaqayn oo mushahar ka qaadan) ayaa soo saaray hees ahayd “Caliyaw geele, Caliyaw Geele, ayaa caalamku haybinayaa.”
Hadda Berberaay miskiin koriyaay, wallee Berbera laga maqnaan waa! Dharaarahan sheekadu waa Turkiga, Imaaraadka, Sucuudiga, Faransiiska, Masaarida iyo Itoobiyaanka oo wada haybinaya Berbera. Allow na badbaadi.
Muslinimo ninkaan ku dhaqayn,
Muuminimoo khaas ah,
Gaal maxasta ku dhawra
Oo aad magansataa dhaama.
Ka illaali kuwa Muslinka sheeganaya, Khawaajaha u dhiib. Ninkii geelisa waraabsanayey waxa uu yidhi; ‘Ka fogay fagaasiyo halkii Faarax Hagar joogo.’ Qoladaas oo waqtigaas ahaa magafaha Hawdka.
Qofba jiritaankiis iyo inuu dunidan ku nool yahay meel ayuu ku ogoodaa ama ku garaadaystaa. Aniga Berbera ayey ahayd meesha aan ku ababay iyo xaafaddii Daaroole, iyo badda coonkeeda marar dembena waa ku noolaa.
Malcaamadii Sheexaari, dukaankii Abu-cariish ee looxa xajarkii iyo qallin rasaaskii uu iibin jiray ee aan ku far bartay; maqaayaddii Goodir iyo dukaankii Xasan Taako (Carrablow) ee sharaabka kawsarka iyo stiimka la iiga iibin jiray; Masaajidkii Hindiga ee nalka cagaaran iyo marawaxadaha lahaa; Cuntuwale Warsame (Ilka-xiir) iyo Siciid Riig-haye ee Fata-tamarta ama Nafar Warsangliga samayn jiray; Doomkii ee gobka dhanaan ahaa ee beerta Sheekh Yuusuf Maama ka bixi jiray; doonyihii, sixiimadahii iyo huudhiyadii badda sabbayn jiray; Mawjaddii aan dhammaanayn ee badda ka soo jabi jirtay (ku darso oo waa tamar bilaash ah, hadda ayaa koronto laga samaystaa).
Sawirradaas ayaa shaashadda maskaxda soo marayaa marka magaca Berbera aan maqlo, hadda meelahaasi waa kharaabaddu sida Carabtu tidhaa waa Adlaal. “Daarihii ayaa calaacalay, markay tabeen dadkoodii eh.”
Giriigu waxay magaalada odhan jireen oo ay ku muujiyeen khariidadaha, magaca Malbo waxay noqon kartaa Malabo. Waddaddii hore ee Bixin iyo Mijo-caseeye meelaha biyaha leh mari jirtay, intaan laamida Wershadda Sibidhka marta la samayn, waxay ka soo dhici jirtay Suryo Malabo, sidaa darteed Magaaladu waa Malabo.
Berbera waxa uu bixiyey Carabta oo ka dambaysay Giriiga, sida ay Waqooyiga Afrika ugu bixiyeen Barbari Coast. Xeebihii Berbera, iyaga oo ka soo qaatay ereyga dadkii Rooma ku soo duulay ee la oo odhan jiray Berberiyanka.
“Maxaa doonyaha xammuul sida oo, maxaa baxri saami leeyahay eh.” Waa ciyaartii shirbada “Jiginjigsee jiglaa waayee, jibinta dheere ha jabtee, ka jugsiiyaay.” Waar maxay sheegayaan waa maxay micnaheedu? Bal adba garo!
Saamigaas baxaarida ayaannu ku noolayn, waxaanuna dhegaysan jirnay heesta baxaaridu qaadayso markay shiraaca saarayaan amma barroosinka qaadayaan amma ay seebinayaan oo isla helaan seebka “Sheeliyaa, sheeliyaa …” La garan maayo afka ay ku heesayeen.
Noocyada doonyaha ayaan kala baran jiray: Waa Sayruukh waa kuwa laba afba u dhuuban, waa Abu shanda, waa kuwa af dhuub iyo dabo ballaadhan leh iyo Jalbadda oo ahaa kuwa labada u dhexeeya oo Awowgay ayaa lahaa Jelbad. Naakhuudayaasha ayaannu baran jirnay magacyadooda iyo sida doonyuhu u kala dheereeyaan, waxa laga hayaa Ina Cabdulle Xasan; “Naakhuudayaal iyo kufraad nebiyo moodeen eh.”
Doonbiradii oo ka soo bilaabmi jirtay xaafaddii qoyanta ee baddu xaggaagii ku soo jabi jirtay ee muusiga iyo balaal madaw iyo kuul kala nooc nooc ah lagu qurxiyey oo dumar makaalif ihi oo ku dhaantaynayaa muusiga iyo rag dhar la xardhay sita ay wada qaadi jireen heeso af aan la garanayn, ayaannu daba carari jirnay oo xiisayn jirnay. Shalaadkaas ayaa ilaa badweynta Batallaale lagu tegi jiray. Waar meeshu waxay ahay wada shaqo, ciyaaro iyo siyaarooyin iyo dad kala midab iyo kala af ah. “Allow yaa guyaal tegay, Gadaal u soo celiyoo, Gaadhsiiya waxa uu geystay gabawgii!”
Maalmahan baddii ayaa soo butaacday, doontii Nebi Nuux oo kale ayaa loo baahan yahay in laga fuulo. Nebi Nuux wiilashiisa waxa la kala odhan jiray, hobal oo heesaa ahaa, Tumaale oo birta tumi jiray, Xaab, oo xaabada soo xaabi jiray. Maxaa kuu baxay boowee! An ka fuule Allow fii haa!
Soomaalidu badda waa ka baqdaa bal hadal-haysyadan dheeho, “Ileyn geed la qabsadaana; haddaan baaxad leeyahay badda saw ma jiideen; Allayleh eh bad baan galay.” Baddaasi ayaa dhallintii ku dhammaatay oo Sheekh, Siyaasi, Suldaan, Abwaan iyo cid waliba waa ka naxaday oo ka hadashay, ninba kaskii kor teg. Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa xikmaddii sannadka sheegay oo waxa uu yidhi “Waar tahriib la dayn waa ee dhallinta dabbaasha ha la baro.” Waar dee dabbaashaa sii barta dhallinta tacabiraysaay.
“Mar baan idhi Talyaaniga u kac oo tacabar oo jiido,” ayuu yidhi Cabdi Gahayr ee bal arag weligeedba waa la tacabiri jiray oo dhallintu Talyaaniga ayey u kacaysay. Yaase Tacabiri jiray? Nin xoog leh oo keli ah, dumar carruuro sita iyo kuwa uurlihi ma hawaysan jirin, hugunkani ma jirin. Hadda waa ganacsi Maafiyoos ah,” ayuu yidhi Prof. Maxamed Siciid.