X

Ogaysiis Tartan Abaal-marinneed

Ogaysiis Tartan Abaal-marinneed
Ku Dhammaan Suxufiyiinta Somaliland
Ujeeddo:
Waxa lagu wargalinayaa dhammaan suxufiyiinta Somaliland in ururka SOLJA qabanayo shir ballaadhan oo lagaga tashan doono mustaqbalka saxaafadda Somaliland iyo maalinta xuska saxaafadda Somaliland oo is-huwan, kuna beegan 8-9 November 2016-ka, kuwaas oo loo baahan yahay in si mug leh u qiimeeyaan saxafiyiinta ka qaybgalaya.
Haddaba, si aan maalintaa qiimaheeda u siinno, waxa lagu lammaaneeyey tartan loo qaban doono saxafiyiinta dhexdooda, iyadoo suxufi kasta oo tartankan ka qaybgalaya looga baahan yahay inuu tartanka kaga qaybgalo qodobaddan hoos ku qoran:
 Barnaamij iyo muuqaal (Radio and Tv)
 Qoraal ku soo baxay wargeysyada iyo website-yada oo labaduba ka hadlaya arrimaha bulshada.
Qoraalka iyo barnaamijku waxay noqon karan kuwo sannadkan 2016 ka ku soo baxay ama la baahiyey wargeysyada, websiteyada, Radio ga, iyo Tv-yada, kaas oo waqtigiisu ku egyahay 9/10/2016 ilaa19/10/2016 wixii ka dambeeya 12:00 duhurnimo 19/10/2016 lama qabanayo wax arrintan la xidhiidha.
Shuruudaha Barnaamijka iyo qoraalka
Haddii uu cod ama muuqaal yahay waa inaannu ka badnaan 20 daqiiqo, hadduu qoraal yahay aannu ka badan laba bog.
Saxafi kasta oo tartankan ka qaybgalaya wuxuu ku soo hagaajin karaa xafiiska guud ee SOLJA ama cinwaankan Soljajour@gmail.com.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post