Araweelo News Network

ninciidcunaHargeysa(ANN)Nin u dhashay dalka Hindiya, ayaa la qabatimay cunista ciidda, isagoo maalin kasta cuna bileedh ama sixni ciid ah oo uu u isticmaalo sida bariiska oo kale.
Ninkan oo magaciisu yahay Hans Raj oo 45 jir ah waxa uu ciidda iyo quruuruxa (dhagaxaanta yaryar) u cunaa si la mid ah habka dadku u cunaan raashinka caadiga ah, isagoo ku dooday inuu ka helo tamar iyo macdan faa’iidooyin badan u leh naftiisa iyo jidhkiisaba.
Sida ninkan sheegay, waxa uu cunista ciidda bilaabay isagoo 20 sanno jir ah, waxaanna degaankiisa looga yaqaan “Ninkii Ciida” (Sand Man), maadaama uu ciidda u isticmaalo sida raashinka oo kale.
Dhakhaatiir baadhitaanka ku samaysay ninkan, ayaa sheegay inuu qabo xannuun la yidhaa Bika (Pica) oo ah cudur aan la daawayn karin oo qofka ku keena inuu amateed u hayo cunista waxyaabaha aan cunnada ahayn ee aan nafaqadu ku jirin, sida ciidda ama dhagaxaanta oo kale.
Xannuunkan oo keena in qofku cuno waxyaabo khatar u keeni kara, sida sunta iyo waxyaabo aan jidhku dheef-shiidi karin, balse, ninkan magaciisu yahay Mr. Raj ayaa ku dooday in aannu waligii arag, isla markaana dareemin wax caafimaad-darro ah muddada uu cunayey ciidda iyo quruuruxa yaryar.
“Waxa aan dhagaxaanta iyo ciidda cunayey muddo 25 sannadood ah, waanan jecelahay cunistooda. Uma malaynayo in ay dhibaato ii keeneen. Waxa aan ku bilaabay cunistooda yaraan, waxa aan hadda dareemaa in ay caadi ii yihiin cunistoodu. Aragtidayda waxa aan ka helaa ciidda cunisteeda tamar iyo macdan. Calooshayda iyo afkaygaba dhib kuma hayaan. Ilkahaygu waa caadi, ciidda ugu adagna sida aan doono ayaan u calaalin karaa,” ayuu yidhi Mr. Raj.
Cudurkan Pica oo eraygiisa Laatiinka ah loogu yeedho “Magpie” waa cudur ku dhaca inta badan dadka ay ku adag tahay waxbarashadu iyo dumarka uurka leh, waxaannu sababaa in qofku cuno waxyaabo sun ah iyo jidhka oo qaybo ka mid ah shaqayn waayaan.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com