X

NABAD NABAD NABAD

Cabdiraxmaan Yuusuf Cartan

NABAD NABAD NABAD

#Araweelo_News_Network.

TALO KU SOCOTA MADAXWEYNAHA: Mudane Nabad deg deg ah oo bilaa shuruud ah la gal maamulka cusub ee Kaahtumo.

Fasiraad umma baahana in NABADDU ahayd wixii ugu qaalisanaa ay SOMALILAND haysatay xilli GEESKA AFRIKA oo idili qiiqayay.

HAYAAY! HAYAAY! Sawtan Jawharaddii (NABADDII) la dhayalsanayo!!!

HAYAAY! HAYAAY! Sawtan NABADDII muranka gashay! Sawtan Jawharaddii maarta inoola ekaatay!!! Sawtan  NABADDII mar qudha gacanteenii ka sii baxayso!!!

Reer Somalilandaw TOOSA!!! Waa maxay is eeddayntu???

Waar NABADDU intay qabashada leedahay xoogga ha laysugu geeyo. Dadyahaw hurdada ha laga tooso. Waayeelku goormay illaaween collaaddihii iyo burburkii iyo dhimashadii iyo halaaggii ummaddan soo maray???

Sideee baa si hawlyar NABADDA loo dhaylsan karaa??? Sidee baa si hawlyar nabadgelyo-darro loogu hiloobi karaa????

TALO KU SOCOTA MADAXWEYNAHA: Mudane Nabad deg deg ah oo bilaa shuruud ah la gal maamulka cusub ee Kaahtumo. kadibna ha looga gudbo wixii labada dhinac dan u ah.

Xukuumaddu feejigo ha u yeelato khataraha ka dhalanaya hubka sida xoogga leh gacanta dadweynaha u galaya.

TALO KU SOCOTA BEELAHA BARIGA: Baayqada NABADDA ha loo dheganuglaado. Collaad qabiil oo Bari ka cusboonaata IFKANA WAA QAYRKAA KA HADH!!! AAKHIRONA WAA NAARU JAHANAM.

Waaryaadhaheen sawtan Masaajidada laga buuxo, miyaan la fahamsanayn waxay Diinteenu ka qabato collaaddaha noocan oo kale ah

انما المؤمنون اخوة فاصلحوا بين اخويكم و اتقوا الله لعلكم ترحمون

 

Cabdirahman Yusuf Cartan

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post