Muslin kuma Cabiidsamo wallaan Madaxa kaa go’yne!!

 

 

#Araweelo_News_Networ.

Waar yaadhaheen! Sawtii la lahaa Xasan Sh. Maxamuud waa Aldamu Aljadiid (الذم الجديد )?

Cid baa odhan karta, “haddu yahayse?” Dee sawkan qaylo-dhaanta u dirty Cabdul Fataax Alsiisey (عبد الفتاح السيسى) keli-taliyaha Masaarida. Ninkii afgembiyey maamulkii dimuqraadiga ahaa uu hoggaaminayey Maxamed Almursi. Miyaanu AlSiisey ahayn ninkii geystey xasuuqiii Ikhwaan Almuslimiinta (اخوان المسلمين), ninkii geystey xasuuqii argagaxa badanaa ee masjidkii Raabica al -Cadawiya (مسجد رابعة العدويه) ee dadku magangeliyada bideen, miyaanu Alsiisey ahayn ninkii diley Maxamed Almursi Madaxweynihii sida sharciga ah ku yimi, boqolaal kalena xabsiyadiisa ka eedaadayaan?

Waar maxay u lahaayeen Xasan Sh. Maxamuud waa Aldamu Aljadiid? Xasan Shiikh naanays kale ha loogu yeedho.

Haddii beri hore la moodayey, iminka cidda ay isku-jaal yihiin baa caddaatay, kii isku dayey inuu ka tirtiro Aldamul AlJadiik (الذم الجديد) Masar.
Nin aanu saaxiib iyo feker wadaag ahayn, Alle ha u naxariisto Cabdillahi Maxamed Shirwac, baa qoray buug uu u bixiyey: Diinkii ka qulqulay qobkiisii! Wuxu ka faaloonayey mabd’a l’aanta iyo qiyam xumida siyaasiyiinta Soomaalida.

Haatan madaxweyne Xasan Shiikh ma diinkaas ka qulqulay qobkiisii buu u dhurtay?
Wax-la-qabsiga Alsiisey cibaarooyin kale baa weheliya. Xasuuqa ka socda Qasa ee lagu gumaadayo caruurta iyo ciroolaha Filastiin (فلسطين) ee ciidanka Alsiisey duleedka ka daawanaayo, jidh u naxayaa kuma yaalo, balse wuxu ka qiiroonayaan midnimada Soomalida.

Arrinta xiisaha leh, qaabkee buu u arkaa in midnimada Soomaalidu ku imanayso. Waa muruq iyo xoog iyo adeegsiga hubka Israaiil uu kula dhici la’yahay. Ciidan Xoog badan oo Alsiisey Somaliya u tababaro oo Somaliland indhaha ku dhufata! Maamul goboleedyada Fidraaligana digniniin u noqda. Dawlad adag oo xoog wax ku muquunisa, waa talada keli-taliye Alsiisey bixiyey, madaxweyne Xasan Shiikhna ka ajiibay.

Madaxweyne Xasan Sh Maxamuud maanta ninkaas buu wehel ka dhigtay, wuxu aaminay inay midnimo Soomaaliyeed ku imanayso xoog xoog, muruq muruq iyo gebgeb. Abwaankii Soomaaliyeed ee Saahid Qamaan waxa laga hayaa: Muslin kuma Cabiidsamo, wallaan madaxa kaa go’yne!
Xasan Shiikh intaannu adeecin taloyinka keligii tali Alsiisey, miyuu iloobay in Somaliya colaadi ka aloosnayd muddo ku dhow nus qarni, markii Kelitaliye Siyaad Barre oo la dagalamaya jabhaddii SSDF uu dadkii shicibka ahaa reer miyigii Mudug madhaafiicda la dhacay, xoolaha ka laayey, berekdahana ka awday sanadkii 1978 oo ay iminka ka soo wareegtay 46 sano. Xasan Shiikh xilligaa qiyaas ahaan dhawr iyo labaatan jir buu ahaa. Taarikhdaas wixii ka danbeeyey Soomaaliyi nabad kuma seexan. xaaladda colaadeed marba marka ka danbeeya way sii xumaanaysey, ilaa xaalku ku danbeeyey rogmashadii dawladnimadii aynnu isticmaarka ka dhaxalnay, laguna guul-darraystay in dib loo abaabulo. shacabigii Soomaaliyeed noqdeen kumanaan dhinta, kumanaan qaxa, magaalooyin duma.
Xasan Shiikh isagoo u soo taagnaa burburkaas lexaadka leh ee dalkiisa ka dhacayey miyaanu yaqiinsan inaan mushkiladaha Soomaali dhexyaal xog iyo xal milateri lagu furdaamin Karin. Haatanse waxay u muuqataa inuu taladii Alsiisey u guuxay.
Miyaanay madaxda Soomaalidu cashar ka baran wixii dagaalo kala nooc ah, kala derejo ah ka dhacayey dalkooda. Miyey marna dhacday inay cidi muquuniso cid kale? Miyaanay ahayn in casharkaas bir lagu xardho. Muranada siyaasadeed iyo qabiil iyo maamulo lagu furdaamiyo wada hadal? Laga waantoobo gacan kahadalka khasaaraha badan? Muslin kuma cabiidsamo wallaasn madaxa kaa goyn!

The views expressed in this article belong to the author and do not necessarily reflect the editorial policy of Araweelo News Network.

W/Q. Dr. Abdirahman Artan