X

Muddo Kordhintii Barlamaanku, Waa Wadadda Muddo Kordhinta Madaxtooyadda. By Mukhtar Cilmi

Shalay golaha wakiilada ayaa ansixiyay go’aankii madaxtooyadda ee ku salaysnaa muddo kordhinta golaha wakilada laba sanno oo kale,iyadoo laba jeer oo hore loo kordhiyay inay kuraasta kusii fadhiyaan xildhibaanaddu, waxayna ansixintaasu muujiysay ayaan darada haysata dalkan iyo xildhibaanadda oo damacooda keliya uu yahay mushaharkaas ay qaaataan.

Halkii la dooran laha musharaxiin ka duwan kuwa maanta jooga. muddo Toban sanadood iyaga oo joogay oo aan xataa xeerkii doorashada wakiilada ee iyaga khuseeyay aan dhamaystirin ayaa kalifay in muddada loo kordhiyo, iyadoo wakhti dheer ay haysteen xildhibaanadu soona dajin lahaayeen xeer walba oo anfaca qabashadda doorashadda barlamaankeena. Waxana ugu daran xildhibaanda mucaariidka sheegta oo u codeyay muddo kordhinta taasna nuqsaan ku tahay sheegashada mucaarid nimadooda. Ayaan daro weeye qaskan imika wadadiisa loo marayna waa muddo kordhin loo samayn doono madaxtooyadda laba sanno oo danbe 2019!.

Khasaaro weeye dal laga qaban karin doorasho xor iyo xalaal ah oo keeni karta khal khal iyo colaad oo ay sabab u ahaan doonaan siyaasiyiin ku heshiyay duudsiga xuquuuqda muwaadiniinta dalkan.

By Mukhtar Cilmi
mukhtarcilmi@hotmail.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post