X

Muddo Kordhinta Soo Foolka Leh

W/Q. Xildhibaan Cabdiraxmaan Yusuf Cartan


Muddo Kordhinta Golayaasha Sharci Dejinta ceebteena qudha ma noqone caado ayay noqotay. Haddii shay qalloocan oo aan maslaxadda dalka ka tarjumayn la caadaystona xumaan dheeraad ah baa ka dhalata. Kolkaa dabaqadda siyaasadeed ee Somaliland waa inay ka feejignaataa khataraha la xidhiidha muddo kordhin la caadaysto.
Sumcadda Somaliland laba shay bay ku xidhnayd labadaas oo ah NABADDA iyo DIMUQRAADIYADDA.
waana laba shay oo isku xidhan, haddii dimuqraadiyad la waayo, nabadi jiri mayso, haddii nabad la waayona dimuqraadiyadi jiri mayso qaab kale oo aynnu isku xukuno oo heshiis lagu yahayna ma muuqdo.
Waqtiga xaadirka ah, muddo kordhinta Golayaasha Sharci dejintu waa INA-DAAN-WEYNE ee maxaa XAL ah?

Ma anfacayso in sidii hore u dhici jirtey Golyaasha sharci dejinta loogu deeqo muddo kordhin daw darro ah oo bilaa shuruud ah.
Horena waa looga ilduufaye, Markan muddo kordhinta waa inay ku lammaan yihiin shuruudo adag oo waqtiyeysan oo ay golayaasha sharci dejinta iyo fulintu ku tallaabsanayaan si doorashooyin xalaal ahi u qabsoomaan dabayaaqada mudda kordhintu.
Qodobada degdegga ah ee doorashada suuragelinya waa:

  1. curinta xeerka doorashada Golaha Wakiilada
  2. Curinta Xeerka xulashada golaha guurtida
  3. dib-u-eegista xeerka xisbiyada siyaasadeed
  4. mideynta Doorashooyinka madaxtooyada iyo wakiilada
  5. xal u helidda tabashooyinka Saami qaybsiga ka hore inta la samaynayo tirokoob heer qaran ah.
    Diyaarinta qodobada kor ku xusani waa inay waqtiyeysnaadaan oo jedwal qeexani u yaal, sidoo kale, meel marintoodana waa inay waqtiyeysan yihiin oo jedwal cad oo ummaddu ku talo gashaa u yaal.
    Hoggaamint iyo Fulinta arrimahaas kor ku xusan waxa u xil saaran madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
    Muddo kordhini timiye, ha laga diyaargaroobo oo yaanay noqon sidii kuwii hore ee bilaa shuruudda ahaa ee u ekaa in shaqo xumida laysku gunnaynayo (abaal marinayo).

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post