X

Mr Walliam Golding: Ninkii Qiimaha Haweenka Fahmay W/Q : Suxufi Cabdiwali Cali Ismaaciil

Walliam Golding waa nin u dhashay Waddanka Britain (Dalka Ingiriiska) oo ah Qoraa Iyo Gabyaa Caan ah oo noolaa Sannadihii 1911 ilaa 1993-kii, waxa uu ahaa nin aad ugu caan baxay ka sakow qoraanimadda iyo Gabyaanimadda, hibo dhinaca Xigmadda iyo hal haysyo mahadhooyin reebay oo lagu yaqiinay arimo badan oo uu si Xigmadaysan u sheegayna laga guntay ilaa maantana talo iyo tusaaleba loo soo qaato.

 

Novelist Walliam Golding waxa maalin maalmaha ka mida la su’aalay in uu wax ka yidhaahdo Qiimaha Haweenka waxaanu ku jawaabay Xigmad noqotay mid aan guurin oo Jiilba Jiil uga sii waramo oo laga guntay waxaanu yidhi“Waxay ila tahay Haweenka waa u doqoniimo hadii ay isku dhereriyaan Raga inay la mid yihiin, Sababto ah Haweenku waa kuwo ka cajaayibaad badan yihiin dhigooda Raga, waligoodna had iyo jeer way ahaan doonaan kuwo raga ka qiimo badan, bal eeg, wax kasta oo aad siiso Haweenay ? waxay u bedelaysa Wax weyn, hadii aad Shahwad siiso ? waxay ku siin doonta Ubad, hadii aad Guri siiso ? Qoys ayey ku siinaysaa, hadii aad midho siiso? Waxay ku siin doonta Cunto, hadii aad Qosol siiso (u qososho) ? waxay ku siin doonta Wadnaheeda, haweenaydu wixii aad siiso waxay ka dhigi karta wax weyn waxaanay u bedeli kartaa waxyaabo badan , sida darteed, hadii aad Xabad Midho ah siiso u diyaar garaw inay ku siiso intaasi oo Tan oo Midho ah”

 

Suxufi Cabdiwali Cali Ismaaciil

 

Abdiwali1991@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post