X

Midaynta Manhajka Dugsiyada Somaliland Waa Tallaabo in La Bogaadiyo Mudan W/Q: Cabdiraxmaan Cadami


Dalka waxa ka furan dugsiyo iyo mac-hadyo gaar loo leeyahay oo aad u tiro badan oo u hawlgala si jaantaa rogan ah ama sidii oo aanay dalka dawladba ka jirin. Qaarkood ardayda waxay ka qaadaan lacago badan oo waalidiinta kalif ku ah ama aanay awoodi karin, qaar kale waxay soo gaabiyeen muddadii ardayda loogu talagalay inay ku dhammeeyaan dugsiga hoose, dhexe iyo ka sare.
Dugsiyada sare ee dawladda iyo kuwa gaarka ah ee ogolaaday inay la fadhiistaan imtixaanka shahaadiga ah waxay qaataan toban maado, laakiin kuwa diiddan siyaasadda waxbarashada Somaliland waxa loo dhigaa afar iyo toban maado iwm, isla markaa waxa lagu dhigaa manhajyo kala duwan oo laga soo waariday wadamo kala duwan oo ardayda u gudbinaya dhaqamo, taariikh iyo dareen waddaniyad umaddo kale iyo xataa fikrado diineed oo wadammadaasi ugu talogaleen in carruurtooda lagu ababiyo.
Man-hajka iyo buugaagta daabacan (text books) inta badan waxa laga keena dalalka Yemen, Suudan, Sucuudiga, Masar, Iran, Turkiga iyo Kenya. Qaarkood waxa ka dhiga macallimiin ajaanib ah, lama yaqaano wakhtiga ay dalka soo galeen iyo ciddii keentay, lama sheegi karo tiradooda rasmiga ah, mana haystaan ogolaansho ay dalka ku joogaan ama kaga shaqeeyaan.
Mac-hadyada waxbarasho ee gaarka loo leeyahay qaarkood ragga iska leh ama maamula ma aaminsana gooni-isu-taaga ama hannaanka siyaasadeed ee geedi-socodka Somaliland, tusaale ahaan ma xushmeeyaan maalmaha taariikhiga ah ee la xuso iyo fasaxyada qaranka waliba waxay ardaydooda u sheegaan in ay xaaran tahay in loo dabaal dego wax aan ka ahayn labada iidood ee Islaamka. Ardayga laguma barbaariyo in uu noqdo muwaadin wanaagsan oo dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisa jecel, balse waxa si dadban loo faraa inuu ka duwanaado bulshadiisa.
Sidaa daraadeed, ma aha wax lala yaabo in la arko dhallinyaro reer Somaliland ah oo kala aamisan fikrado diineed oo iska soo horjeeda. Waxa kaloo la arkaa arday yar oo aqoonta dalkiisa ka badiya aqoonta uu u leeyahay Kenya, Suudan ama Yemen. Si kastaba ha ahaate in kasta oo walaaca bulshadu isa soo tarayey, haddana xukuumadihii kala dambeeyey ee Somaliland iyo wasiirradii waxbarashada ee kala dambeeyey kuma ay guulaysan inay xakameeyaan waxbarashada gaarka ah ee faraha dawladda ka baxday, waxase ammaan iyo in la bogaadiyo mudan Wasiirka Wasaaradda Waxabrashada iyo Tacliinta Sare Md. Cabdillaahi Ibraahim Habane iyo madaxda kale ee ku dhiiraday in daladaha waxabrashada gaarka ah iyo dugsiyada hoos yimaad ku soo dabaalaan xayndaabka siyaasadda waxabrashada dalka Somaliland.
Waxa si weyn loo soo dhaweeyey wareegtidii Wasiirka ee amraysay in dhammaan dugsiyada dawladda iyo kuwa gaarka ahba lagu dhigo manhaj isku mid ah oo wasaaraddu soo diyaarisay.
Haddaba, si amarka wasiirku u fulo waxa loo baahan in laga digtoonado iska caabbin iyo diidmo kaga iman karta dalladaha awooda badan oo dhawr jeer oo horeba ku guulaystay inay is hortaagaan dedaalada masuuliyiinta Wasaaradda Waxbarashada, gaar ahaan in la mideeyo man-hajyada dugsiyada dalka.
Gabagabo
Midaynta man-hajyada dugsiyada Somaliland waxa lagu tilmaami karaa in ay tahay tallaabo wanaagsan iyo dardar hor leh oo wax lagu saxayo, laakiin kaligeed xal u noqon mayso dhaliilo badan oo Wasaaradda lala xidhiidhinayo oo u baahan go’aamo adag iyo geesinimo kuwii hore la mid ah.
Cabdiraxmaan Cadami
abdirahmanadami22@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post