X

Maxaynu Wax Fiican u Qabsan Waynay Inta aynu Nool Nahay?

By Cabdillaahi Beershiya


Waxaynu haysanaa 24 saacadood, ma jiro qof haysta wax ka badan 24 saacadood, haddana waxaynu aragnaa in aynu wax-soo-saarka ku kala fiicanahay, waa maxay sababtu? Maxaase dhaliya inaynu ku kala awood badnaano wax-soo-saarka iyo shaqada?

Su’aashani maaha mid dhib yar ee waxa in badan is weydiiyey dadka wax ka qora horumarka nolosha iyaga oo tilmaamay in wax-soo-saarku ku fadhiyo afar qoddob oo muhiim ah, kuwaas oo haddii ay si fiican iskula jaan qaadaan dhaliya in ay wanaagsanaato natiijada wax-soo-saarku.

Wax-soo-saarka laga hadlayaa maaha oo keliya tacabka beeraha wershedaha ama shirkadaha ee waa hawl kasta oo qofka bani’aadamka ah uu is leeyahay guul ka gaadh.

1. Tamar iyo awood ( Ability)
Haddii aanad awood u lahayn in aad hawl si fiican u qabato lagama yaabo in aad natiijo fiican ka gaadho, tusaale ahaan haddii aanad aqoon u lahayn sida gawaadhida loo sameeyo oo aad isku dayno inaad samayso suurtogal maaha in natiijada ka soo baxda shaqadaadu ay fiicnaato, waxa intaa dheer haddii aad cilmi u leedahay hawsha aad qabatay, laakiin ay kaa maqan tahay xirfaddii loo qaban lahaa waa hubaal in natiijada shaqadaadu tahay mid aanad mahadin.

Sidaa darteed, ayaa culimada wax-soo-saarka ka hadasha yidhaahdaan… “Wax-soo-saarku wuxuu ku xidhan yahay xirfadda aad leedahay, aqoontuse waa derejada labaad.

2. Xoojin (Focus)

Marar badan ayey dadka maskaxdoodu kala daadsan tahay oo aanay si xoog ah shayga ugu fiirsan, waa mid ka mid ah waxyaabaha dhaliya inuu qofka wax-soo-saarkiisu xumaado, marka la doonayo in shay laga midho-dhaliyo waa in si gaar ah xoogga loo saaraa, si kasta oo aqoon iyo awood ugu leeyahay haddii aanu shay ka midho-dhalin oo u boqol furimood isku furo waxa ay natiijadiisu noqonaysaa mid hooseysa ama aanay waxba ka jirin. Tusaale ahaan haddii aad u diyaar garawdo sannadka 2018-ka inaad akhrido buug tiradoodu gaadhayso 50 buug, laakiin marka aad hawsha gudo gasho bisha kowaad aad ku dhex dawakhdo nooca aad akhriyeyso oo kolba aad mid u boodo, waxa ay dhaawaacaysaa natiijada ka soo bixi doonta hawshaa aad qabanayso.

3. Waqti (Time)

Mar kasta oo u qofku waqti u helo inuu shaqo qabto waxa fiicnaata natiijada shaqadaasi, waana mid dadka oo dhammi ay wada garanayaan in qofka ku mashquulsan meelo kala duwan uu had iyo jeer natiijadiisa wax-soo-saar yar tahay.

4. Yool (Target)

Dadku haddii ay waqtigoodu ku bixiyaan wax aan nolosha micno u lahayn wax-soo-saarkooduna wuxuu ku dambeeyaa wax la’aan, in noloshu yool yeelaataa waa lagama maarmaan, dadka qaar ayuu yoolkooduba yahay inay magac helaan, qaarna inay lacag helaan, qaarna inay dadka taariikh iyo waxqabad uga tagaan, sidaa darteed ayaa dhammaan hawlaha kala duwan ee aynu qabsanaa ay u baahan yihiin yool……………

Ugu dambeyn, haddii afartan qoddob uu mid liico wuxuu dhibaato u geysanayaa kuwa kale oo waxa meesha ka baxaya in natiijada shaqadu noqoto mid lagu farxo.

Waxa diyaariyey Cabdillaahi Beershiya

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post