Annoo yar ayaa hooyaday igu tidhi hadaad qof wax ka qaadato ( lacag iwm ) waxaa la bartaa wax qaad-qaadka, kadibna waxaa la noqdaa tuug. Illaa anoo weyn ayaan iska ilaalin jirey inaan guri aan kaayaga ahayn galo iyo qof aan waalid iyo walaal ii aheyn aan wax ka qaato. Barbaarinta carrurtu maaha keliya waxad usheegto ee waxaa soo raaca waxay arkayaan ee guud ee ay bulsho ku dhaqanto, ha ahaado mid hogaan guuda ama mid hogaan-raacsinimo.
Waxaa laga yaabaa fikirka aan ictiraafka ka haystaa inuu noqdo mid caqligiina iyo waxad aaminsan tihiin ka duwan, taasoon Ictiraafka qudhiisa u arko sheeko sameys ah oo maskax iyo han dil ah islamarkaana jiilkii soo kacayey lagu barbaarinayo baahi aan lataaban karin oo gacan gumeyste ku jirta. Markaan gumeyste leeyahay maaha mid Colaadeed ee sidaad ogsoon tihiin aduunku wuu is gumeystaa haday xag siyaasadeed , xag dhaqaale iyo xag dhaqmaadba tahay. Waxaan uga socdaa hadii aabahaa oo ladilo aad ku garaad sato, adna dilista lagu dilaa caadi ayey kuu tahay. Ictiraafka Somaliland anuu Waxan u arkaa nin dhar xidhan oo dadka weydiisanaya iney usheegaan inuu dhar xidhan yahay waayo Somaliland maaha meel god madaw ku jirta oodan adigu arkeyn laakiin dad toosh sita aad leedahay halkaney ku jirtaaye tooshka noogu qabta oo na tusa. 1945 waxii ka horeeyey ayaa dawladaha ictiraafayey ? Aniga oo ogsoon in waxa ugu weyn ee aqoonsi looga baahan yahay uu yahay international Banking System ka iyo heshiisyada shirarka Caalamiga ah, hadana dhibta ay lahaan lahayd marka loo eego wakhtiyada qaar ay dawladaha aduunku shirkadahooda maamuli jireen maleh, oo hada shirkadaha ayaa dawladahooda maamula taasina waxay horseed u noqday in cunaqabateyntii dawladaha lagaga cabsiin jirey uu ineffective noqday maadaama oo shirkadahaas ay dantaadu ku xidhan tahay, taasoo shirkada qudheedu heshiis yadii iyo contracts aad dawladaha uga baahneyd iyo lacagihiiba ay kuu suuro gelinayaan adigoon ictiraaf lagugu xudheyn sida wadamo badan oo aduunka ahiba ay bilaa ictiraaf ujireen, unajiraan aynay ujiri doonaan.
Bani’aadmigu markey hawlo fulintood ku dhaqaaqaan waxay saadaalin karaan waxa kasoo bixi doona haba yaraatee. Waxaa Nasiib daro weyn noqotay marar aan dhegeystay musuuliyiin sar sare oo Somaliland u qaabilsan wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo ku andacoonaya in Beesha Caalamku tidhi wada hadalo lagala dawlada ku meel gadhka ah ee Soomaaliya kadibna idinkoo lasii wadi doona hadba Dawladii kale ee timaada ayadoon wakhti iyo meel ay kaga hadhi karaan guul iyo guuldaraba aan loo cayimin. Halkaas qofkasta oo caqli leh Waxaa uga cad in loo direy mashruuc aan meel uu ku dhamaado lahayn. Sidey doonto haw dhacdo ee cidan ay wada hadalada la lagalayaan ayey tahay, ayeyse matashaa?
Labadaa qodob ee aan wax ka taabtay oo mid yahay ictiraafka midka kalena yahay wada hadalada Soomaaliya uu maskax-guur ku riday dadka reer Somaliland asaga oo afduubay umadax babaanida fikirkooda ay wadankooda isugu barbar taagi lahaayeen dawladaha aduunka kale, halkey sababtay iney hankoodii hoos udhigto ooy dawladaha aduunka u hoos iyo daba joogsadaan xataa wax qabsigoodii ayaga oo haday xataa qoslayaan u eegaya sida qosolkooda Beesha Caalamku u aragto iyo in qosolkaasi ictiraafka wax Yeelo ku keeni karo.
Waxaan hadalkeyga kusoo koobaya baahi yar oo Bani’aadmi abuuray ayaan ummad dhan dhaqaniyan iyo maskaxiyan u burburineya inaga oon weliba dareemeyn ilaa ay baahidasi ina gaadhsiiso in layna yeesho mar hadaan waxii laynagu xidhaba soo oofineyno.
Wabillahi tawfiiq.
Waxii qalada ee qoraalkan iga dhacay raali ka noqda
By Sociologist Saeed Issa Eleyeh.
saeed_isma@live.co.uk