X

“Maxaad ka taqaan darajada dabaqadaha Muwaadinniinta reer Somaliland” Cabdinaasir Axmed Ibraahim

Cabdinaasir Axmed Ibraahim Qalin Maal

“Maxaad ka taqaan darajada dabaqadaha Muwaadinniinta reer Somaliland”
Cabdinaasir Axmed Ibraahim
Darbiyadii waaweynaa ee boqortoonyada dulmigu waxa ay bilaabeen in ay dildilaacaan. Waxa soo dhowaatay goortii ay isku-fadhiisan lahaayeen, ifafaaleheeduna uu muuqdaa, dadyowgii reer Somaliland waxa ay u kala baxeen;
1. Muwaadinka darajada 1aad Hantida iyo dhulka qaranka ayaa inta uu uga baahdo laga siiyaa, qaranka shaqo la yaqaan uma qabto, hal-abuur maaha, macallin ummadda wax bara maaha, Qoraa ama cilmi-baadhe ummadda taariikhdeeda ururiya maaha.Waa af-miishaar, habeenkii soo jeedka ku raaga, munaafadda iyo isku-dirka ka shaqeeya maandooriyeyaashana uu badsadaa haddii dalka laga laaluushi waayo waxa laga baqayaa in cadceeddu dhinaca Galbeed ka soo baxdo.
2.Muwaadinka darajada 2aad Shaqo aanu lahayn awooddeeda,cilmigeeda iyo xirfaddeeda ayuu ku joogaa reernimo, wax badan oo uu ummadda kala siman yahay ayaa loo fududeeyaa, shaadh qabiil ayuu ku helaa sad-bursiimo badan.Wuxuu rumaysan yahay in dalka lagu dhergay oo barwaaqadu ummadda wada gaadhay “ dadba wada helyoo, daad warrarac…”
3.Muwaadinka darajada 3aad
Ma shaqeeyo, wax uu xaq u leeyahayna dhib badan ayuu ka mutaa, rajo badan ayuu qabaa in dalku hagaagi doono.Fikirkiisa haddii uu is yidhaa cabbir waxa lagu yidhaa reer baad wax ka sheegtay, masuul Qaran oo ummadda boobay, ma odhan karo ka daa… haddii uu yidhaahdana dhib badan ayaa ka soo gaadha. Waxaa se lama filaan ku noqota marka isagoo arrin gar ah ka hadlaya uu muwaadinka Darajada 1aad ku yidhaa; Ammaanka illaali!
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post