Araweelo News Network

Warbixin: by Jaamac Muuse Jaamac

Laasgeel waxa ay u jirtaa Hargeysa in ku dhow 50km xagga Waqooyi Bari, waxaana ay 5km Waqooyi kaga beegan tahay tuulada Dhubbato. Waxa dhagaxda Laasgeel ku yaal shaxannada sawir-gacmeedka ah ee Afrika kuwa ugu dhowrsoon ee ka badbaaday hagardaamada aadamaha iyo nuglaynta dabeecaddu u gaysato shaxannada sooyaalka ah.

Waxa lagu qiyaasaa 5,000 ilaa 11,000 (shan kun ilaa kow iyo toban kun) oo sannadood ka hor in la sameeyey farshaxankan dhagax-ku-yaalka ah oo u badan xoolo lo’ ah, qaab bani’aadam iyo xayawaanno kale oo lagu dul xardhay dhagaxa ku dhowrsoon xarfadaha buurta Laasgeel. Waa goobta ugu caansan kolka ay noqoto taariikhda soo jireenka Somaliland, waana goob u muhiim ah dalxiiska oo soo jiidatay indhaha adduunwaynaha.

Tan iyo dib-u-soo-helitaankeedii sannadkii 2002 oo ay koox isugu jirta cilmi-baadheyaal Faransiis ah iyo sahamiyeyaal reer Somaliland u sheegeen dunida, waxa ay indhaha adduunka ku soo jeediyeen goobtan Laasgeel oo heshay sumcad badan oo adduunwaynaha ah, waxaana jira hadda dhawaaqyo isa soo taraya oo loogu talagalay in loo aqoonsado Goobta Dhaxalka Dunida (GDhD) ee UNESCO.

Mar hore ayay hirgeli lahayd in Laasgeel loo diiwaangeliyo GDhD (Goobta Dhaxalka Dunida), waxa se ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hortaagan arrinka aqoonsi la’aanta ee Somaliland oo aan ku lahayn kursi iyo cod toona UNESCO.

Baadhitaan lagu sameeyey dadka soo booqday ee sida sharciga waafaqsan u tagay shantii sannadood ee u danbaysay, waxa ay inna tusaysaa in Laasgeel ay tagaan ajaanibku inta badan oo booqadashada Soomaalidu ay ku yartahay.

Sida ay sheegtay Wasaaradda Dalxiiska Somaliland, in ku dhow 70% dadka soo booqdaa waa ajaanib, kuwaas oo lacagta ka soo xerootay sannadihii u danbeeyey ay u dhexayso $18,000 ilaa $20,000 (siddeed iyo toban kun, ilaa labaatan kun) oo doollar sannadkii oo toos ah uga timaadda sicirka shatiga oggolaanshaha.

Lacagtaas waxaa dheer kharashaadka nololeed ee dalxiiska goobta, nooliga gawaadhida iyo hagayaasha dalxiis ee loo kireysto tegitaanka, iyo waliba dal-ku-galka iyo ka dukaansiga magaalooyinka ee dadka u yimaadda dalka in ay soo booqdaan Laasgeel. Arrinkaasi waxa uu muujinayaa in Laasgeel kaalin wax-ku-ool ah kaga jirto koboca dhaqaalaha ka soo xerooda dalxiiska.

Wasiirka Dalxiiska Somaliland Mudane Maxamed Xasan Saajin, waxa uu sheegay in Wasaaraddu sannadkii 2019-kii horraantiisii soo jeedisey in dal-ku-galka loo fududeeyo dadka imanaya Somaliland oo laga siiyo xuduudda soo gelitaanka (Visa on arrival), taas oo la qaatay, lana hirgeliyey oo xoojisey in dad badani yimaaddaan iyagoo dalxiis ah, rajo fiicanna uu ka qabo in Somaliland dhaqaaleheeda koboc uu dalxiisku wax wayn ka noqon doono.

Hadda oo ay adduunka kala xidhay sadhada Covid-19, waxa is taagtey booqashadii goobtaas oo macneheedu yahay in dakhligii ka soo geli jirey dawladda dhexe uu yaraaday, isla markaana dhaqdhaqaaq nololeedkii goobta Laasgeel iyo tuulada Dhubbato si dadban uga soo geli jirey ay sadhadu saamaysay.

Sidee loo tegi karaa Laasgeel?

Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Somaliland waxa ka furan xafiis u gaar ah oo laga qaato waraaqda fasaxa booqashada. Xafiisku waxa uu furan yahay isla xilliga xafiisyada Wasaaraddu furan yihiin oo dhan, halkaas oo lagu bixinayo lacagta fasaxa booqashada.

Qiimaha hadda u go’an waa $25 doollar qofkii ajaanib ah iyo $10 doollar qofkii muwaadin ah, lacagtaas oo ay toos u qabanayso Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda. Waraaqdaasi waxa nuqul ka mid ah lagaaga reebayaa albaabka gelitaanka ee goobta dalxiiska.

Maxaan lagu arki karaa Laasgeel?

Goobta Dalxiiska ee Laasgeel waxa ay ka kooban tahay 7 guri oo ay in ku dhow 250 sawir-gacmeed oo isugu jira xoolo-dhaqato qaab bani’aadam leh, lo’ lab iyo dheddig ba leh, balse u badan sac, ey amase yey, masas, geri iyo riyo, oo ku dul xardhan dhagax dabiici ah.

Quruxda Laasgeel waxa sii kaabaya deegaanka bannaan ee kolka aad buurta fuushan tahay si ilwaad leh naftu ugu raaxaysanayo, isla markaana aad dareemayso degannaansho nafsi iyo hawo caafimaad.

Waxa jooga shaqaale Wasaaradda ka tirsan oo aqoon u leh taariikhda iyo xaradh-faneedka oo kugu wehelinaya socodka, kuuna sharxaya goobaha kala duwan iyo sawirrada kala duwan ee goobta.

Maxaan u baahannahay si aan u booqdo?

Laasgeel ma laha goob laga iibsan karo biyo iyo cunto, kolkaa waa in aad sii qaadataa biyaha aad cabbayso. Qiyaastii laba saacadood in aad ku soo wada booqato ayaa kugu filan, kuna nasato. 5ta Km ee waddada aad ka leexanaysaa ma aha mid dhiibsan, sidaa daraadeed waxa aad u baahantahay gaadhi ka bixi kara waddada, waxaana muhiim ah in aanad ku raagin galabtii oo fiidkii aanu kuugu madoobaan soo socdku, isla markaana aad uga bogato dalxiiska.

Sii qaado kabo ku habboon socodka oo deggan. Kamarad ama teleefon uu baytarigiisu kuu buuxo sii qaado, si aad xusuus uga soo reebto safarkaaga.

Yaa tegi kara Laasgeel?

Laasgeel waa goob ku habboon booqashada cid walba, carruur iyo waayeel. Waa goob dugsiyadu dalxiis wadareed ardaydooda u gayn karaan sannadkiiba mar, waana goob ay qoysasku iyaga oo isu dhammaystiran waalid iyo carruur soo booqan karaan. Hase yeeshee, waxa jira dhagax jaranjaraysan oo ku gayn doonaa godadka farshaxan dhagax-ku-yaal ku urursan yihiin.

Waxana dhici karta, waa nasiib-darro e, in dadka lugaha ka naafada ah iyo kuwa tamartooda jidheed liidato aanay fursaddaas heli karin. Si kastaba ha ahaatee, kama qadayaan quruxda dabiiciga ah ee goobta.

Maxay tahay in aan la samaynin?

Waxa ugu horreeya ee qofka dalxiiska ahi iska ilaalinayaa waa in booqashadu ay dhibaato u gaysato farshaxanka iyo guud ahaan deegaanka goobta, waana muhiim in la ilaaliyo nadaafaddeeda. Ha ka ga iman caagadaha aad biyaha kusii qaadatay, waraaqo, baco ama qashin kale oo ka soo hadhay wax aad goobta ku adeegsatay. Ha taaban sawirrada, hana u dhowaan in ka badan inta loogu talo galay. Xiitaa ku neefsashadaadu uma wanaagsana. Ha ka qaadin dhulka dhagax meel ku dhegsan, hana ka goyinin dhirta dhulka ku taal.

Ha ku qiijin sigaar, hana ku shidan dab, haddii aad cabtana ka ilaali halka aad ku tuurayso in aanu keenin dab qabsada aagga si lama filaan ah. Waxa aad had iyo jeer ku dedaashaa in aad raacdo dawyada loo asteeyay booqashada oo ka ilaali in cagtaadu waddo cusub ka dhex furto aagga booqashada.

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

Dr. Jama Musse Jama waa Guddoomiyaha Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa, waana cilmibaadhe ku hawlan dhaqanka iyo saameynta togan ee uu ku yeelan karo hormarka. Waxa laga la xidhiidhi karaa twitter.com/JamaMusse.