#Araweelo_News_Network
Maxaa Soo Dedejiyay Xilligan Dagaalka Suuriya
JABAHDDA XORAYNTA SHAAM جبهة تحرير الشام .
Israel miyeey lug ku leedahay soo shaac bixidda kooxdan sida kediska ah u qabsatay guud ahaan magaaalda xalab Aleppo ee waddanaka suuriya ?
Sannadkii 2012 waxaa soo shaac baxay jabhaddii Al-Nusra ee dadka sunniyiinta ah ee reer suuriya ay lahaayeen taasi oo lagu magcaabi jiray jabhatu Nusra (جبهة النصرة ). jabhaddaasi dowladda suuriya ee uu hoggaamiyo madaxweeyne Bashar Al-Asad ayeey ku iclaamisay dagaal jihaad ah. balse xaqiidu waxay ahayd in dowladha khaliijka , Maryakanka iyo Israa’iil ay dabada ka riixayeen si ay xukunka uuga tuuraan madaxweeynaha Suuriya Bashar Al-Assad. colaadda ka dhaxaysa sunniyiinta iyo shiicada waa mid ay hurinayaan israa’iil, waddamada reer galbeedku iyo boqortooyooyinka khaliika carabtu.
saddex sano ka dib waxaa dalka Suuriya ka soo shaac baxay kooxda (ISIS) ama daacish oo iyaduna sheegatay inay dhulka shaam ka dhisayso khilaafo islaamiya isla markaasina jihaad ayeey ku dhawaaqday iyadoo sheegtay inay israa’iil iyo reer galbeedka weersr ku qaadi doonto. ISIS iyadoo aan jirin hal bil ayeey noqotay jabhaddii uugu hantida badnayd ee adduunka soo marta, marka la eego hubka casriga ah, gawaadhida gaashaamaan iyo Tasiilaadka dagaalka ee ay adeegsanaysay. halkaa waxaa ka cad inay ahayd koox la soo abaabulay oo la soo diyaariyey.
MAXAA WARANKA IYO WEEDHA KULMIYEY ? !!
Ka dib markii ay Israel heshiis xabbad joojin ah la gaadhay ururka xibullah oo ka dagaalama Koonfurta waddanka Lubnaan. Raysul wasaaraha yahuudda Benjamin Netenyahu ayaa ku hanjabay inuu qabsan doono qaybo ka mid ah dhulka suuriya, isagoo sheegay in Bashar Al-Asad uu ka shallaayi doono Taageeradii uu siiyey ururka xizbullah. hal Maalin ka dib hanjabaadda Benjamin Netenyahu, waxaa magaalada xalab qabsaday Jabahadda lagu Magacaabo Taxriiru Shaam (تحرير الشام ), oo ah jabhad ku magcaaban inay leeyihiin dadka sunniyiinta, iyadoo warbaahinta reer galbeedka xilligaa maamulka Asad ku eedaynayeen in dadka sunniyiinta ee sunita ah ay xasuuq ba’an kala kulmeen xukunka Basha Al-Asad sanandadii 2011-2014. waxayna sheekadaasi noqtay mid ay qonofsadaan, iyagoo taageero ka helay waddamada reer galbeedka, israa’iil iyo boqortooyooyinka khaliijka carabta waxay bilaabeen dagaalka, waxay a u muuqdeen kuwo ka faa’iidaysanaya arrintaa dadka sunniyiinta ah ee suuriya, si ay xukunka uuga tuuraan shiicada Calawiyiinta ah ee uu ka dhashay Madaxweegne Bashaar xaafid Al-Asad.
Xilligaa dhawr ka mid ah ka jjabhadaha waxay awoodi waayeen inay midoobaan, Waxay u muuqataa in jabahddan ay la mid tahay jabhaddii Al-Nusra ee ay taageeryaeen Maraykanka. israa’iil iyo boqortooyooyinka khaliijka carabta.
Inkastoo Bashar Al-Asad uu ka adkaaday Jabhadda Al-Nusra, isla markaana ay jireen eeday.mo dhanka reer galbeedka xasuuq ba’ana uu u geesyaty shacabka sunniyiinta suuriya, wallow eeddahaa loo arko kuwa lagu qarinayo ujeeddada ka danbaysa jabhadaha, balese maanta ma la odhan karaa mar kale ayuu ka guulaysan doonaa ?
Waa su’aal da’weeyn , balse markan xaaladdu lama mid ahaa sidii sanandadii 2011-2014 waayo Ruushka oo xilligaa militari ahaan ku difaacay nidaamka Bashar Al-Asad maanta isagii ayaa dagaal uu ku riiqmay ku jira muddo 4 sano ah. sidoo kale iran waxay ku jirtaa dagaallo jihooyin kala duwan ah, waxayna ku jirtaa xaalad dhaqaale xumo, maadaama ay cuna qabatayn saarantahay.
halka Fursad ee uu haysto Bashar Al–Assad waa shacabka shiicada oo isku duuban, oo u arkaya in dowladdoodii shiicada ee suuriya lagu soo duulay. balse waxaa badan Fursadha maanta xukunka looga Tuuri karo Bashar Al-Assad.
Sidoo kale dagaalka lagu soo qaaday Al-Assad waxaa qayb ka ah Turkey-ga oo deris la ah suuriya kaasi oo raba in xukunka laga tuuro Madaxweeyanaha Suuriya Bashar Al-Assad iyo kooxdiisa calawiyiinta ah ee shiicada ah.
WQ/Axmed Xasan Saalax