xasanmataan
Xaalada Abaarta ba,an ee ku dhufatay Inta badan gobolada dalka Somaliland gaarahaan gobolada Bariga iyo Koonfurta ee saamaysay inta badnayd bulshada Somaliland taasoo Dad iyo Duunyaba galaafatay in badan oo kamida bulshadeenan ku yeelatay saamayn xun.

Hadaba waxa layidhi masiibada qoomku dhacdaa qoom kale ayey faa,iido unoqotaaye, Arintaasi ayaad Moodaa inay farax gelisay inbadan oo kamid ah Xukuumada talada haysa iyo Xisbiga Kulmiye oo Waayadan danbe Saxaafada dhawr goor kasheegay in Xukuumada loo kordhin doono doorashadana dibloo dhigi doono abaarta awgeed,

Kadib markay kadhex arkeen inuu halkaa kujiro qodob lagu xalaashan karo mudo kordhi , sida masuuliyiin badan oo Xukuumada iyo Xisbiga Kulmiye ahi dhawr goor ku Celceliyeen.
Iyagoo aanay ka ahayn inay u danay nayaan dadka iyo dhibaatada haysata ee laakiin ay tahay janis ubaahan inay kafaa iidaysato inta abaartu jirto ,

Hadaba inkastoo aan wixii duruufi keento aan cidi diidayn.

Ayaa waxaa arinkaa ka hor yimi Musharaxa Xisbiga Kulmiye oo isna Dhankiisa u arka in jaanis kale ugu jiro in doorashada xiligeedii lagu qabto , Weliba hadii laga soo hor marin karo lagasoo hormariyo.

Kadib markuu qiimayn ku sameeyey inaan Gobolada bariga Somaliland oo aanu codkooda marka horeba wax kalsooni ah oo badan aanu ku qabin aanay xiligan suuro gal ahayn in laysla helo qofkii isdiiwaan geliyey iyo kaadh kiisii maadaama dadkii aanuy ku sugnayn goobihii laga diiwaan geliyey abaaraha dartood oo dadkii usoo hayaameen gobolada galbeedka somaliland komishankuna aanay kaadhadhkaa gobolada bari intooda badan dibusoo celin doonaa oonay helidoono ciday siiyaanba , Sidaa darteedna aanay kaadh la,aan codayn kari dadkii codkooda kalsooni daridu kahaysay.

Halka Gobolada Galbeedka Somaliland oo uu aamin sanyahay inuu kalsooni badan ku qabo codkooda qof walba kaadhkiisii loogu gaynkaro meeshii uu Iska diiwaan geliyey oo aanu meela uga guurin maadaama aanay masiibadaa abaartu soogaadhin.

Taasi waxay keentay in Muuse Biixi iyo Xukuumadu ku kala aragti duwanaadeen qabashada iyo dibu dhigista doorashada sidaa darteed Muuse Biixi Xukuumada iyo Komishanka doorashooyinka ku dirqiyayo in doorashada la qabto inta Xaaladu sidaa tahay.

Xukuumaduna doonayso inay jaaniskaa korodhsiimada ahee meesha kasoo muuqday kafaa iidaysato.

Hadaba ciyaartii lafilayey inay dhex Maridoonto Xisbiga Waddani iyo Xukuumada kordhinta jecel way is bedeshay oo waxay dhex mari doontaa meel aan bulshadu kafilayn oo ah Musharaxa Xilka Ujeelan ee Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Abdi iyo Xukuumada ka dhalatay Xisbigiisa ee lunsiga xoolaha umada ku mamtay oon Muuse iyo qayrkii toona udiyaar hayayn inay si Dimuquraadiyadi kujirto wax ugu wareejiso.

Arinkaa Musharaxa Xisbiga Kulmiye ku fikirayaa waxay i xusuusisay sheeko kadhacday Hargeysa,

Waxa layidhi xiligii 1977 markii dagaalkii itoobiya iyo Somalia socday ayaa dadka waa laraafi jiray kadib Sarkaal watay ciidan loosoodiray inay dadka sooraafaan oo dadkii ka kala yaaceen markay arkee ciidankan kusoo socda ayaa wuxuu soo maray Masaajid Jamac aad u badani ku tukanayaan markaasuu askartii usoo jeediyey inaanay intaa masaajidka kujirta inka urursan heli doonin sidaa darteed aanay dhaafin ee ay gaadh ka qabtaan intay salaama naqaanayaan kadibna ay qab qabtaan waa siday maanta Mujaahid Muuse latahay ilayn askari waa isku dabeecade.

By Hassan Mataan