X

Marxuum Maxamed Cabdiraxman Gadhyare – Qalbigii aan Xuduudda Laheyn.

Bishii December ee ina dhaaftey ayaan inta an gurigeyga ka baxay duhur tegey guri ku yaala madaarka agtiisa aniga oo doonayey inaan la fadhiisto oon la soo sheekeysto nin an saaxiib nahay oo Ibrahim Haashim la yidhaa iyo marxuumka.

Markaan gurigii tegey een aniga iyo Ibraahim cabbaar fadhiney ayaan ku idhi Maxamed Cabdirahmaan mee. Wuxu igu yidhi meel ayuu gaadhay maanta ee kolley hadhow ayuu inoo iman. Tilifoonkii ayaan u direy oon ku idhi xageed maanta ka dhacdey. Wuxu igu yidhi, ABTI meel sheedaha u dhow ayaan maanta asxaab la joogaa. Waxan ku idhi, waa xagee meeshaasi. Wuxu igu yidhi Jaamacadda ADMAS agteeda. Maxamed Cabdiraxmaan wuxu ahaa nin aan xuduud laheyn oo dadka da’ kasta iyo reer kasta raaca oo la saaxiib ah. Maaha oo keli ah inu ahaa nin aan xuduud laheyn, balse waxa uu ahaa nin qalbigiisuna bilaa xuduud yahay.
Saaxiibtinamada ka sakow, wuxu ahaa nin ehel jecel. Inta an aqaaney weligey magaceyga iigumuu yeedhin. Wuxu igu odhanjirey ABTI iyada oo ad arkeyso inu kalgacalku niyad ka yahay.
Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare waxa uu ahaa nin da’diisa ka weyn. Xiliyaddii dagaalka sokeeye ka socdey magaalada Hargeisa 1994 kii, waxa uu ka mid ahaa dad xabbadda dhex socdey oo nabadda ka shaqeynayey. Isaga iyo Maxamed Baaruud iyo Laangadhe Libaax (AHUN) ayaan ka xasuusta oo kolna Hargeisa soo gelayey, kolna hawdka tegayey si ay nabad u dhaliyaan. Xiligaa an ka hadlayo marxuumku nin dhalinyaro ah ayuu ahaa oo qeyrkii gidaarada ayey taagnaayeen oo waxba looma diraneyn oska daa iney nabad dhaliyaanee.
Maxamed Cabdiraxmaan waxa uu ahaa nin curin badan oo markasta waxa uu soo bandhigi jirey barnaamijyo ama dalka hore loogu marinayo ama ganacsi lagu abuurayo. Wuxu ahaa nin haddii ad in yar wada fadhidaan ay wax badani kaaga kordhayaan.
Maxamed haddii uu ahaan lahaa sida dadka qaarkii, maanta waxa uu heysan lahaa dhaqaale aad u badan. Balse marka hore ayaanu u dhalan lexejeclo oo waxa gacantiisa soo gala umadda oo dhan ayaan la laheyd. Agtiisa laguma diiqadood jirin hadduu wax hayana lagama qadi jirin. Wuxu ahaa nin cid kasta iyo koox kastaa tirsato oo ay u heysato inu iyaga ka mid yahay. Wuxu ahaa ibnu adam dun wanaagsan.
Marxuumku ehlu jano ayuu ahaa. Dadka Ilaahey jecelyahay ayuu ahaa, waayo dadkaa isaga jeclaa.
ILAAHEY HA U NAXARIISTO MAXAMED CABDIRAXMAAN GADHYARE. INAGANA HA INOOGA DABA NAXARIISTO. Aamiin.
Maxamed Cali Bile
Aqoonta U Adeegta Nolosha
qorane.bile@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post