X

Marwada Madaxweyihii Geeriyooday Axmed Siilaanyo

Marwo Aamina Weris Sheekh Maxamed.

“Anigoo ah Marwo Aamina Weris Sheekh Maxamed Jirde, Marwadii Koowaad ee Madaxweynihii Afraad ee JSL, Kuna hadlaya guud ahaan afka qoyska, Geerida ku timid Madaxweyne Hore Marxuum Xaajigaygii Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxay ahayd mid xaq ah oo qalbiyadayada ku reebtay murugo iyo xanuun aad u badan.

Waxaa god galay addoon adduunka korkiisa ahaa aabbe fiican, oday dhaqan, samo talis iyo addeege bulsho oo daacad ka ahaa gudashada xilka iyo xasanaada lagu aaminay.

Waxaanu ku diirsanay oo aanu ku samirnay in markii sida rasmiga ahaa loo baahiyay in Rabbi oofsaday Madaxweynihii Hore ee JSL Marxuum Xaajigaygii Axmed Maxamed Siilaanyo aanu aragno sida aad noola qabsateen duruuftii adkayd ee uu lahaa warkaas dhiilada leh.

Ugu horreyntii waxaan u mahadnaqayaa Madaxweynaha JSL Mudane Muuse Biixi Cabdi oo magacaabay Gudidii Qaran ee Aaska, waxaan sidoo kale u mahadnaqayaa rafiiqiisii siyaasadda Madaxweyne Ku Xigeenka JSL Cabdiraxmaan Saylici, waxaan mahadnaq aan la koobi karin u dirayaa Madaxweynaha La Doortay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro oo guushii iyo dabaal dagiiisii uu xaqqa u lahaa geeridda darteed ka doorbiday duco aynu u ducaynayo Marxuumka, waxaan sidoo kale u mahadnaqayaa Gudigii Aaska Qaran, Gollayaasha Qaranka JSL Guurtida iyo Wakiilada, waxaan sidoo kale u mahad naqayaa Culimadii, Bahdii Dhaqanka, iyo ciidanka Qaranka JSL qaybihiisa kala duwan.

Waxaan mahadnaq iyo duco u dirayaa shacabkiisii uu hoggaamiyaha iyo Madaxweynaha u soo noqday ee dal iyo dibedd ba tacsida nagala soo waddaagay, waxaan u bogay una mahadnaqayaa kaalinta saxaafaddu ka qaadatay tebinta xogaha Aaska Qaran,
Waxaan sidoo kale u mahaqnayaa dhammaan Shacabka Soomaali ee u soo duceeyay Xaajigaygii Rabbigu iga jeclaaday.

Waxaan ka guddoomay Tacsida Qaran ee uu noo soo diray Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, waxaan u mahadnaqayaa dalka aynu jaarka nahay ee Dawladda Federaalka Ethopia, oo si mug iyo miisaan leh uga soo qayb galay Aaska Qaran una soo dirtay Aaska wefti sare.
Waxaanu guddoonay dhambaalada Tacsida ee Dalalka Caalamka iyo Saaxiibada Somaliland na la soo waddaageen, kuwaas oo ay Wakiilo ka ahaayeen Diplomaasiyiin.

Ugu dambayntii waxaan dhammaantiin idin leeyahay Alle ha idin barakeeyo, waad noo hiiliseen ee idin ma hilmaami doono Insha Allah Maalmaha adag.”

Marwo Aamina Weris Sheekh Maxamed, waa Marwada Madaxweynihii halgamaaga ahaa ee geeriyooday Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post