X

Mar-Labaad Madaxweyne Noo Dalacsii Wasiir Xaglo-toosiye. W/Q. Maxamed Faarax Qoti

Waxaan halkan amaan iyo bogaadin aan la soo koobi Karin ugu dirayaa Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Ahmed “ Xaglo-toosiye” oo dadaal iyo juhdi badan galiyey, siduu ugaga illaalin lahaa shayaadiinu Insigii beenta iyo balaayadda kula dhex-wareegayey dadka walaalaha ahaa ee wada-degganaa deegaaka buuhoodle.
Mudooyinkii uu hayey xilka wasiirnimo, waxa uu muujiyey dadaal badan oo ay ku dheeh-naayeen geesinimo iyo fir-fircoonidii uu guure iyo galab-carrow ugu jiray horumarka iyo midnimadda Somaliland.
Marka laga yimaado xukumadda oo ku bixisay dadaalo badan oo qaatay muddo-dheer oo walina ku hawlan sidii meesha looga saari lahaa tabashooyinka ka jira deegaamadaas, isla-markaana, la gaadhsiiyey markii ugu horeysay in laga hirgaliyo nidaamka diiwaan galinta cod-bixiyayaasha ee ay ku dhisan yihiin mabaadiida iyo nidaamka geedi socodka dimuquraadiyad Jamhuuriyadda Somaliland.
Dadaaladiisaasi kumay koobnayn intaasoo kaliya, balse, waxa kale oo uu kor-uqaaday Dhamaan 316-goobood oo ah goobaha adeegyadda caafimaadka bulshada oo ka kooban cusbitaalo, xanaanooyinka hooyadda iyo dhalaanka (MCH), goobo caafimaad (Health Post), oo dhamaantoodba bulshadu ka hesho adeeg caafimaad oo hufan, kana hawl-galaan shaqaale tiradoodu ka badan tahay 2569- shaqaale ah, oo iskugu jira Dhakhaatiir, kal-kaaliyayaal caafimaad, umulisooyin, shaqaale caafimaad iyo shaqaale kale ee caadiga ah, kuwaasoo dhamaan toodba si daacad ah oo hawl-karnimo leh u guta waajibaadkooda shaqo, isla-markaana si hufan u gaadhsiiya adeega caafimaadka ay u hayaan bulshaddooda.
Inkastoo, ay addag tahay kala garashada labada fiidyo-cawl, haddana waxaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ka codsan lahaa mar-labaad inuu noo dalacsiiyo wasiir “xaglo-toosiye” taas, adigoo abaal-marin ugaga dhigaya wax-tarka iyo harumarka uu soo gaadhsiiyey dadkiisa, dalkiisa iyo Wasaaradda Caafimaadkaba.

W/Qoraa. Maxamed Faarax Qoti

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post