X

Mahadsanid Cali Mareexaan W/Q: SAuleiman Mouse jaah

Ø Mahad sanid ma dhihi kari

Ø Mahad celin ma kari kari

Ø Makhluuqii wax kuu taray

Ø Maamuus ma siin kari

Ø Adigoo maqsuud ka ah

Ø Mahad sanid cel celinteed

Ø Marna aan ka daalayn

Ø Maalin qudha wanaageed

Ø Adoo meel dhibadan mari

Ø Mid tilmaan ku siiyoo

Ø Mowd kaa badbaadshoo

Ø Marin toosan kugu hagay

Ø Muxuu kaa mutaystaa?

Ø Ma macnayn karaysaa?

Ø Mahadiis ma gudi kari?

(DR: ali sheikh)

ü Mar hadaanad geerida horteed geesiga aqoonsan

ü Goblan weeye soomaaliyey garashadaadiiye

( cali sugule)

Mahad sanid cali mareexaan.

Inaad loo mahad celiyo loona abaal gudo qof wax wanaagsan qabtay waa astaan ka mida astaamaha dadka, damiirka, dareenka, iyo dadnimadaba leh,ee weliba caqliga fayow, ee wanaaga jecel, ee aanay qalbigooda nacaybka iyo cuqdadu ka buuxin ,ee weliba markasta dhanka wanaagsan wax ka eega ( positive attitude).

Hadaad qof wanaag qabtay amaantid, taageertid ama u mahad celisid macnaheedu maaha inaad qabiil ama quud, qofkaa ku taageertay.

Xaasha cali mareexaan kumaan taageerin qabiil iyo quud toonee, waxaan ku taageeray waxqabadkiisa togan ee toosan iyo taakulaynta dadka tabaalaysan ee tahli kari waayey inay lugohooda isku taagan ee u baahan taakulo iyo taageerid.

Cali xasan maxamed (cali mareexaan) waa shakhsi ku caan baxay taakulaynta dadka tabaalaysan, waa halyey alle ku manaystay daacadnimo, dadaal, dulqaad, deeq iyo dadnimoba, waana shakhsiga ugu soo horeeya ee marka aafooyinka dabiici ah ama colaaduhu ka dhacaan gobolada bariga iyo soomaaliland taakulaynta iyo nabadaynta ba bilaaba.

Wuxuu ahaa qofka ugu waxqabadka badan leh xildhibaanada gollaha wakiilada, imakana inkastoo uu mudo yar wasiir ahaa wuxuu ka mid yahay dadka ugu waxqabadka badan leh gollaha wasiira.

Mhadsanid cali maxamed xasan deeqda aad ugu deeqday dadka reer burco ee shubanku asiibay.

W/Q: Suleiman mouse jaah

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post