X

Magaca ugu Caansan ee loo Bixiyo Carruurta Waqtigan

Magaca ugu caansan adduunka ee waqtigan loo bixiyo carruurta ku dhasha dalal badan oo caalamka ah, gaar ahaan haweenka ayaa lagu sheegay inuu yahay Sofia amma Sophia oo Soomaali ahaana ku noqonaya Safiya.
Mareegta Babynameszard.com oo Jamhuuriya soo xigtay, ayaa iftiimisay in magaca waalidku waqtigan door bidaan in ay u bixiyaan hablahooda uu yahay Sofia (Sophia).
Mr. Laura Watternberg oo mareegtan masuul ka ah, ayaa tilmaamay in magacan uu yahay magaca ugu caansan amma kaalinta ugu badan ka galay sagaal dal, halka uu 20 ilaa 25 dal oo kalena noqday magaca labaad amma saddexaad ee haweenku aad ula baxaan.
“Waddamada oo ka kala mid ah qaaradda adduunka ee shanta ah oo ku kala hadla 22 luqadood oo kala ah; Baltic, Germanic, Romance, Slavic, Turkic iyo Uralic, ayaa noqday waddamada uu magacan aad ugu badan yahay haweenkooda, kuwaasoo qaarkood yihiin bulshooyin sunni muslim ah, halka kuwa kalena aamisan yihiin caqiidooyinka ay ka mid yihiin Roman Catholic, Lutheran, Eastern Orthadox, Bresbyterian iyo qaar aan wax diin ah aaminsanayn,” ayuu yidhi Mr. Wattenberg.
Sidoo kale, waxa magacani kaalmaha hore ka galay waddamada Maraykanka iyo Ruushka, sida lagu sheegay warbixintan oo ku salaysnayd xog laga ururiyey 49 dal oo ka mid yihiin Talyaaniga, Slovakia, Mexico, Estonia, Chile iyo Ruushka oo dhammaantood aqbalay in magacan Sofia amma Safiya uu yahay magaca ugu wanaagsan ee gabadh loo bixiyo.
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post