X

Madaxweynihii Lacagtii Loogu Deeqay In Uu Ku Iibsado Suudh Qaali Ah Dalkiisa Ku Maalgeliyay

Madaxweyne mahadsanid!
Qiso Dhab ah.

W/Q. Mustafe Adam

Sannadkii 1973 madaxweynihii Zaire (Congo) Jeneraal Mobutu Sese Seko ayaa booqasho saddex maalmood ah ku tagay dalka Mauritania. Mauritania waxa ay ka mid ahayd dalalka ugu saboolsan qaaramada Afrika, dhaqaalaheedu waxa uu ku tiirsan yahay kalluumaysiga, beeraha iyo daaqsiinka.

Intii lagu gudo jiray wada-xaajoodka labada madaxweyne oo qaatay saddex caano-maal, madaxweyne Mobuto waxa uu ogaaday in madaxweynaha uu martida u yahay ee Mauritania, Mukhtar Wald Daddah, saddexdaas maalmood ee ay shirka ku jireen iyo ka badan ba uu xidhnaa hal kol-xidhasho (suudh). Waraysi kadib, waxa uu xaqiiqsaday in aannu madaxweynuhu haysan lacag uu ku iibsado isku-joogyada ama suudhadhka qaaliga ah ee ay madaxweynayaashu xidhaan.

Markii uu soo idlaaday safarkii uu Madaxweyne Mobuto ku joogay Mauritania ee uu ka sii dhoofayo garoonka diyaaraha ee Nouakchott ayuu u yeedhay xoghayaha gaarka ah ee Madaxweyne Daddah waxa aanu u dhiibay jeeg (check) ay ku qoran tahay lacag dhan $5 million oo dollar (shan milyan oo dollar) iyo warqad uu ku yaal cinwaanka dukaanka lagu iibiyo suudhadhka ugu qaalisan ee uu xidho madaxweynaha Zaire oo ku yaal caasimadda dalka France ee Paris. Waxa kale oo uu warqadda ku xusay in wiilka madaxweynaha iyo cidda wehelinaysa ay doorkaas qaadan doonaan oo kharashka tikidhadooda iyo hoteeladiina ay ku jirto lacagtaas inta ay Paris ku sugan yihiin.

Markii uu Mobuto dhoofay ayuu xoghayihii jeegii lacagta gacanta ka galiyay madaxweyne Daddah, waxa aannu sheegay in ay tahay hadiyad uu ugu dhiibay Mobuto, taas oo uu ugu talogalay in uu Paris kaga soo iibsado suudhadh iyo agab qaali ah oo uu kaga qaybgalo shirarka iyo kulanada muhiimka ah. Madaxweyne Daddah, waxa uu amray in lacagtaas lagu wareejiyo wasiirka maaliyadda oo lagu shubo qasnadda dawladda. Maalmo kadib, Madaxweyne Daddah waxa uu go’aamiyay in lacagtii $5 milyan ahayd lagu dhiso oo lagu qalabeeyo dugsiga tababarka macalimiinta oo uu dalku baahiweyn u qabay saboolnimada awgeed.

Shan sanno kadib, 1978, waxa uu madaxweyne Daddah ka war helay in madaxweynaha Zaire uu booqasho ku joogo dalka jaarkiisa ah ee Morocco. Waxa uu u diray codsi iyo martiqaad ah in uu booqosho gaaban ku yimaado Mauritania, waanu ka aqbalay.

Madaxweyne Mobuto, intii uu ku jiray jidka u dhexeeya garoonka diyaaraha ilaa madaxtooyada waxa ay dhaayihiisu qabanayeen boodhadh ay ku qoran yihiin: ‘WAY MAHADSAN TAHAY ZAIRE, WUU MAHADSAN YAHAY MOBUTU, WAAD KU MAHADSAN TIHIIN HADIYADDA’.

Madaxtooyada kahor, waxa la sii mariyay dugsigii tababarka macalimiinta oo si heersare ah u qalabaysan, macalimiin badanna ay ka aflaxeen.

Madaxweyne Mobuto, isaga oo yaaban ayuu waydiiyay dhiggiisa: “Waa maxay mahadnaqa intaas le’eg ee aan mutaystay, saacad kahor ayuun baan ka soo degay garoonka diyaaraha ee Nouakchott, nasiib-darro, wax hadiyad ahna idinma sido.”

Madaxweyne Daddah, isaga oo dhoollo caddaynaya ayuu ugu jawaabay: “Tani waa hadiyaddii qiimaha lahayd, $5 milyan, ee aad shan sanno kahor iigu deeqday. Waxa aannu ku dhisnay dugsigan si aannu u diyaarinno barayaal xirfad leh oo la dagaalama jahliga iyo saboolnimada”.

Madaxweyne Mobuto, inta uu qiirooday ayuu laabta geliyay (hug) madaxweyne Daddah, waxa aannu yidhi: “Haddii madaxda kale ee Afrika ay adiga oo kale ahaan lahaayeen, qaaraddeenu lamay kaacaa-kufteen aqoondaradda, saboolnimada iyo dib-u-dhaca ragaadiyay.”

Madaxweyne Daddah, waxa uu ugu jawaabay: “Mushahar ayaan ka qaataa qasnadda dawladda, hadiyaddana waxa iska leh dadweynaha Mauritania. In aan qurux badnaado guryo qurux badanna aan dhisto waxba ii tarimayso iyada oo shacabkaygii faqri baahsan ku nool yihiin.”

Dhacdadaasi waxa ay gashay taariikhda. Alle ha u naxariistee Madaxweyne Mukhtar Wald Daddah, waxa uu geeriyooday 2003, isaga oo ku nool sharaf iyo karaamo. Waxa uu ka tagay guri ka kooban saddex qol.

Sheekadan oo af-carbeed ku qornayd waxa boggiisa facebook ku daabacay القاضي ضيف الله محمد, waxaana igu dhiirigeliyey in aan Afsoomaali u halceliyo Xassan Ismaaciil Muuse oo ku taxan bogga qoraaga.

Waad mahadsan tihiin.

Mustafe Adam
kibaaro@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post