X

“Madaxweyne Siilaanyo, Wuxuu Hogaaminayaa Xukuumad Tuur ku Qaad Ah”

By. Admiral Abdirahman Farah Ali

“Dadku Sheeko Macaan marabaane waxqabad bay rabaan”
Xukuumada Madaxweyne Silaanyo, waxa ku badan hadalada koolkoolinta ah ee runta ka for oo ay ku heesaan ama qoran dad lexe jeclaysanaya nolol maalmeedyar, ku waas oo inta badan ku taama in dawlada siilaanyo ku talaabsatay wax qabad balaadhan, laakiin fikirka saliimka ahi taas wuu ka soo horjeedaa, dad badanina waxay aaminsan yihiin in dawlada silanyo ku guul daraysatay wax yaabihii dadku ka sugayeen ee ay hore ugu balan qaaday.
Dhinaca saxaafada oo uu siilaanyo ku doodi jirey inay xor noqondoono wuxuu ooda urogey oo xidhay qaarkamida jaraa,idkii ugu faca weynaa sida haatuf, waxaa dib gacanta madaxtooyada ugu soo noqotay lacagtii dekeda berbera, waxaan waxba lagu soo kordhin kaabayaasha dhaqaalaha, sida xoolaha, beeraha, kaluumaysiga iyo macdanta.
Madaxweynuhuna wuu ogyahay oo waayo khudbadiisii sanadka ku muudarin wax ay ka qabteen dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha, iskuulada dawlada waxaa gala ardayda waalidkood awoodi waayey inay ku daraan iskuul lacag ah oo tayo leh, waxaa intuu siilaanyo xukunka hayey dhacay dilkii ugu badnaa ee loo gaysto saraakiil ciidan. Isku soo wada duuboo waxaynu odhan karnaa madaxweyne siilaanyo oo uu dhamaaday waqtigii ladoortay wuxuu kursiga ugu sii fadhiyaa si gacmo daalis ah, wuxuuna hogaamiyaa xukuumad tuurku qaada.
By. Admiral Abdirahman Farah Ali
abdifmadobe@gmail.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post