X

Madaxweyne Noo Dalacsii Wasiir Xaglo-toosiye

W/Qoraa. Maxamed Faarax Qoti


Waxaan halkan amaan iyo bogaadin aan la soo koobi Karin ugu dirayaa wasaiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Ahmed “ Xaglo-toosiye” oo dadaal iyo juhdi baddan galiyey, siduu dalka ugaga illaalin lahaa shayaadiinu Insiga beenta iyo balaayadda kula dhex-wareegaya, ee doonaya sidii ay uga-dhex hurin-lahaayeen collaado hor leh oo uu dhiig ku daato dadka walaalaha ah ee wada-deggan deegaamadda Buuhoodle iyo Sool.

Muddooyinkii uu hayey xilka wasiirnimo, waxa uu muujiyey dadaal baddan oo ay ku dheeh-naayeen geesinimo iyo fir-fircooni uu guure iyo galab carrow ugu jiray horumarka iyo midnimadda Somaliland.

Marka laga yimaado dhinaca xukumadda oo ku bixisay dadaalo badan oo qaatay muddo-dheer sidii hoosta looga soo unki lahaa nabad iyo wada-noolaansho ka dhalata deegaamadaas, iyo in la gaadhsiiyo, lagana hirgaliyo nidaamka diiwaan galinta cod-bixiyayaasha ee ay ku dhisan yihiin saddexda xisbi qaran ee ka jira Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa iyana haboonaan lahayd waa haddii uu ka helli lahaa taageero iyo gacan-siin, siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaamadaas, sababtoo ah, Far-qudhi fool ma dhaqdo.
Inkasta oo, ay aad u addag tahay kala garashada, amma kala saarista labada fiid-cawl, haddana waxaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo” ka codsan lahaa inuu noo dalacsiiyo wasiir “xaglo-toosiye”, adigoo abaal-marin uga dhigaya wax-tarka iyo harumarka uu soo gaadhsiiyey dadkiisa iyo dalkiisaba.

W/Qoraa. Maxamed Faarax Qoti

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post