X

Madaxweyne Maxaad Runta Noogu Sheegi-wayday! By. Mustafe-Janaale


In Baddan waxaan maqlaa xukuumaddu wax ayay qabatay, waxaanan is-weydiiyey taageerayaasha KULMIYAHA Madaxtooyadu sababta ay u xusuusan la’a yihiin in sababta meesha loo keenayba ay tahay inuu wax-qabto, iyo inaanu wada rumayn filashadii ay qabteen is-bedel doonku 2010 codka ku taageeray.
Intaas aan gogol xaadh ka dhigto, oo aan u soo dego u-jeedada qormadan oo aan idhaahdo Madaxweyne intii aad mucaaridka ahayd in baddan iyo in baddan ku arkay adiga oo la yaaban- aadna uga fikiraya Sababta uu Daahir Rayaale Kursiga Madaxweynaha isugu sii dhajinayo ee uu u doonayay muddo kordhinta, waxaad balanqaaday wakhtigaasi haddii aad talada waddanka qabato inay xukuumaddadu ay ku shaqeynayso nidaamka dimuqraadiga, oo marka dalkeena loo eego doorashada ku biyo shubta,haddii-ba la xusi lahaa wax-qabad aad ku talaabsatay waxay meesha ka saaraysa dib-u-dhaca doorashada oo muujinayaa in balanqaadyadii aad ololaha ku gashay iska ahaayeen uun soo jiidasho.
Maxaan-ba taa hore u tiigsani adiga oo khudbad sanadeedkii labada Golle Baarlamaan (Guurtida iyo Wakiillada) u jeedinayaa ayaad tidhi: “Kordhin danbe ha ka welwelina aniga(SIILAANYO) Saacad lay kordhin-maayo, imikana shantii sanadood ee codka lagu siiyay way dhamaatay, saacadana hadalkaaga hore adiga buriyay, markaa waxa noo dhaantay adiga oo runta noo sheega oo na yidhaahda: Intaad ku wareegayso xeer ayaa la sameyn-waayay iyo hawlaha oo aad iska riixdo inaad na tidhaahdo ‘Nin odaya oo muddo dheerna halgan iyo Mucaarid ku soo jiray ayaan ahay,Wax baddana waan qabtay wax baddan oo kale-na inaan qabto ayaan doonayaa, sidaa darteed doorashooyinka hadal-heyntooda inaga yar joojiya.
Waxaanu qaadi lahayn “Dhabaddii Caddayd cagta saarnay”, Mucaaridkana waxaan odhan lahayn adeer nin la taariikh ahi-ba idinkuma jiree dib-u-fadhiista, laakin maad-yeelin waxaana maalinkasta sii kordha markasta oo ay doorashadu dib-u-sii dhacdo taariikhdaadu u baddanaysa dhinaca madow, oo adiga ayaa (SIILAANYO) is-masaxaya.
Waxaan ku soo uruurinaynaa intaad iska fogeyso qolooyinkan kursiga ku xeeran ee adiga iyo kii ka horeeyey-ba (Rayaale) hareero fadhiyay, ka kaa danbeeyana cunaha kaga uruuri doona is-weydii halka aad taagan tahay!, talaabooyinka aad soo qaaday, Iyo kuwa ku hadhay in yarna dhageyso dadka dibadda taagan ee ay lexe-jecladu ka hayso.

Mustafe-Jannaale-213×300
Tifaftitaha Shabakada Hayaannews
Mustafe Cabdi Maxamed (Mustafe-Janaale)
Hayaannews/Office
Hargeysa.Somaliland
Email:janaale94@gmail.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post