X

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Wuxuu Fahmay Halka Laga Dareewalinayay Dhibaatadii Reer Awdal Fahmi Waayeen: By. Maadhiin Tayuub

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici, wuxuu beryahan safar ku marayay Dalalka Maraykanka iyo Canada, safarka Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, waxay ujeedadiisu ahayd inuu dadka halkaa jooga ka dhadhiciyo horumarka iyo nabada dalkooda ka jirta iyo sida loogu bahanyahay in lacagta jeebkooda ka baxaysa ee loo adeegsanayo si qaldan ay ugu bixiyin lahaayeen dhismaha horumarka dalka, sida Waddooyinka, jamacaddaha, iskuulada, caafimadka iyo wixii la hal maala.
Waxa kale oo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici, wuxuu fahmay in halka wax laga wadaa tahay qurbaha, in halka dadka laga kiciyaa tahay qurbaha, waxaana odhan karaa wuu kusoo guulaystay qorshaha ujeedada booqashadiisii Maraykanka iyo Canada.
Qaar baddan oo ka mid ah qurabajooga kasoo jeeda gobolka Awdal oo ku sugan Maraykanka iyo Canada iyo meelo kale oo dunida ah, ayaa sawiro khaldan ka haystay dalka, balse waxa hadda aan odhan karaa waxa iska bedelay wax baddan markii ay kulmeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici oo xaalada dhabta ah ee dalka uga waramay oo ay is fahmeen, waxaana halkaa kusoo afjarmay dhibtii ay dadka Reer Awdal garan la’aayeen halkay salka ku hayso iyo meesha ay kaga imanaysay.

Markaa waxaan leeyahay Mudane Cabdiraxaan Saylici Madaxweyne ku xigeenka Somaliland hawl weyn oo waajibaadkaaga qaranka ah ayaad soo qabatay, waadna ku mahad santahay gudahsda waajibaadkaaga iyo hawshaa aad soo qabatay oo guul u ah qaranka Somaliland oo dhan.

By. Maxamed Cali Caamir (Maadhiin Tayuub)
madhin77@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post