X

Madaxweyne Ku Soo Noqo Dariiqii Cadaaladda. Qalinkii Maxamed Faarax Coommaande

Maxamed Faarax Coommaande

 

Xilka qaadista Iyo Magacaabida Masuuliyiintu Waa Awood Madaxwaynaha JSl leeyahay waxaana siiyey Dastuurka oo waa xaq dastuuri ah, iyadoo Madaxwaynuhu xilka ka qaadi karo masuulka ula muuqda mid aan gudan karin waajibaadkiisa sidoo kalena magacaabi kara cida uu garto xilkaas.

Maanta 16 October 2018, waxaa uu magacaabay masuuliyiin ka hawl gali doona Hay’adda kala duwan. halka uu qaar kalena xilkii ka xayuubiyey,qormadan kooban waxaan uga socdaa in aan dul istaago dhaliilo iiga muuqday wareegtadan Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi soo saaray.

Wareegtooyin baddan oo ka soo baxay xafiiska Madaxwaynaha tan iyo markii xilka loo dhaariyey waxaa si cad uga dhex muuqday Cadaalad- daro iyo in ay dhinac ka rarayihiin waxaana loo sadburiyey qaar ka mid ah deegaamada gaar ahaan deegaanka Madaxwaynuhu ka soo jeedo,hadaba waxaa muhiim ah in Mdaxwaynaha iyo La-taliyayaashiisu oggaadaan in shacbigu isha mar walba ku hayaan qaabka wax loo maamulayo gaar ahaan dhanka wax qaybsiga oo ah mid xaasaasi ah.

Arinta iga yaabisay waxaa weeye habka Madaxwayne Muuse Biixi u qaybiyey Xubnaha guddiga maamul wanaaga iyo la dagaalanka musuq-maasuqa xubnaha guddiga oo ka koobnaa shan xubnood waxaa uu bedelay oo shaqadii laga fadhiisiiyey sadex ka mid ah waxaana Xubintii deegaanka Laascaanood ugu jirtay lagu bedelay Xubin ka soo jeeda deegaanka Madaxwaynaha miyaanay arintaasi ahayn ceeb? waayo waxaa jiray cabashooyin baddan oo la xidhiidhay habka Madaxwayne Biixi wax u qaybiyey.

Dad badan oo ka mid ah bulshada deegaamada Somaliland ayaa aad ugu rajo waynaa in madaxwayne Muuse Biixi ka jawaabi doono cabashooyinka la xidhiidha saluuga saami qaybsiga balse waxaad moodaa in tahay ka dar oo dibi dhal.

W/Q : Maxamed Faarax Coommaande

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post