X

Madaxweyne Hoggaaminta Suuban Hormuud Noogu Ahow: By.Qalbo Ismaciil

Sanadkii 2010-kii waxaa Dalkan Jamhuuriyada Somaliland majaraha hogaamineed u qabtay ruug cadaa siyaasadeed Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, wuxuu nasiib u yeeshay inuu noqdo hogaamiyihii 4-aad ee Qaranka Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo markii uu ku guulaystay Talada wadanka wuxuu sameeyey siyaasad, waxaana uu sidoo kale soo dhisay xukuumad si wanaagsan loo qaabeeyey oo tayo leh, Madaxweyne siilaanyo sidii laga sugaayey wuxuu sameeyey hogaamin waanagsan waxaana uu shacabka ku jiheeyey wax qabad iyo horumar.

Waxkastoo Xukuumada Madaxweyne siilaanyo qabatay Somaliland lagama qaban 25-kii sano ee qarankani jiray cidkastaana waa ogtahay, xukuumada waxaa lagu mahadiyaa korodhka miyaasaniyada qaranka iyo kor u qaadida dhaqaalaha, sidoo kale dhismayaasha bilicsan ee xarumaah dawlada iyo wadooyinka, iyo mashaariic horumarineed oo dalka ka qabsoomay.

Waxkasta oo ay qabatay Xukuumada Madaxweyne waxaa amaanteeda iska leh oo ku mahadsan Madaxweynaha Qaranka Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, oo shacabka Somaliland u arkaan inuu yahay hogaamiyihii ugu wnaagsanaa ee Somaliland soo mara tan iyo maalintii ay lasoo noqotay xornimadeeda.

Shacabkeeda, waxaan u rajaynayaa inay guul waarta isku duubni, dalkooda inay horumariyaan Xukuumada madaxweyne siilaanyo ee aynu nasiibka u helnayna inaynu isla barbar taagno codkeena iyo cududeena , caqliyada fayow kaga shaqaysiino, midnimadu iyo isku duubnidu waa astaanta qarankeena.
Qalbo Ismaciil

qalbo0230@gmail.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post