X

Madaxweyne Dalkii Shirkado Ayaa Lagu Wadda Wareejiyay Somaliland-na Uma Baahna Maalgashi Aan Sharci Iyo Xeer Loo Raacayaa Jirin: By. Maadhiin Tayuub.


Waxa mudooyinkan si xawli ah u kordhaya iibka iyo wareejita hantidii qaranka oo ka bilaabantay Dhulkii, Guryihii, iskaraabkii, Macdantii, shidaalkii iyo wasaarado shaqadii ay dadka iyo qarankaba u hayeen lagu wareejiyay ganacsato, sida wasaarada hawlaha guud oo dad shiciba Ku wareejisay shaqadii wasaradu qaranka u haysay.
Wasiirka Hawlaha Guud, ayaa lala xidhiidhiyay inuu sheer Ku leeyahay, waxayna tani meesha ka saaratay Hay’addii qaranka uga masuulka ahayd ee Quality Control, taas oo shaqadii ay haysay lagu wareejiyay ganacsato waliba xarun ka dhigtay Dekeddii Qaranka oo lacag ka qaaday Baabuurt ay dadka shacibka ah lasoo degayaan, waana arrin nasiibdaro ah in dad shacab ah oo xidhan shaadh dawladeed lacag ka gurtaan dadka.
Wasiirka Hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif, waa wasiirka ugu musuqmaasuqa baddan ee xaraashay Guryihii Dawlada intii kasoo hadhay Xaabsade iyo Ina Sulub Xukuumaddi Daahir Raale, wuxuu wasiirka Hawlaha Guud shirkad dad gaar ahi leeyihiin ku wareejiyay Liisamadii hadana wuxuu wareejiyay gadiidkii shirkad kale, Laydhkii Hargeysa, kuwaas oo dhamaantood uu sheer ku leeyahay. wuxuu wasaaradda ka dhigtay shirkad ganacsi ee ma jirto shaqo uu qaranka u hayaa oo ay wasaaradiisu u haysaa.
Sidaa awgeed Madaxweynaha waxaan leeyahay  shirkadahasi oo dhan wax buu ku leeyahay marka isaga meeshu wasarad uma aha ee wuxuu ka dhigtay shirkad uu ku ganacsado wax shaqo ah na qaranka uma hayo ee waxa uu xisabsadaa lacagta iibka dhulka daraha liisamada iyo tan imika uu dakada dhigtay oo sharkadaysan.
Wasiiradda Madaxweyne Siilaanyo waxay xarfaan ku yihiin Boobka hantida Ummada oo ay u haystaan maalgashi, tusaale ahaan wasiirka Macdantu Shirkado aan la garanayn ayuu khayraadkii dalka ku wareejiyay, wasiirka Duulistu Madaaradii dalka Shirkad ayuu ku wareejiyay, wasiirka Wersheduhu Iskaraabkii dalka Shirkad ayuu ku wareejiyay, Wasiirka Arrimaha Dibeddu Aqoonsi raadintii wuxuu ka doorbiday inuu raadiyo shirkado maalgashi oo uu sheer ku yeesho.
Lama garan wasiiradu shirkadaha ay heshiisyada la galaan waxa ay yihiin, mana jiro heshiis ilaa hadda Baarlamaanka loo gudbiyay, iyadoo xukuumaddu maalin walba sheegay inay shirkado heshiish la gashay, waxa muuqata in dalkiiba shirkado aan la garanayn lagu wareejiyay, iyadoo aanu jirin sharci iyo xeer maalgashi oo xalaalaynaya heshiisyada ay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo gashay.
Xukuumaddu waxay baalmartay qodob Distooriya oo odhanaya haddii xukuumaddu heshiis caalamiya shirkad la gashao, waa in Baarlamaanka loo gudbiyaa si ay u eegan inuu dalka iyo dadkaba anfacayo, hadaba waxa Madaxweynuhu labada gole ka sheegay in dekeda shirkad maalgalisa lagu warejinayo, rayi ahaan annigu waxaan qabaa in arrintaa laga fiirsado oo talo intaa ka baddan laga yeesho.
in xeerkii malgaashiga La sameeyo, in goobaha qaranka mihiimka u ah wareejinteeda laga fiirsado in aad Madaxweyne xakamayso talaabada wasiiradaadu Ku maamulayaan xilka aad ummada. ugu dhiibtay si aan loogu tagrifalin hantida qaranka iyo in aad hoos u eegto xaalufinta hantida iyo khayraadka dalka oo Madaxweyne adigu masuul uga tahay Ummadda.
Maxamed Cali Caamir (Madhiin Tayuub)
madhin77@gmail.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post