X

Madaxweyne #Biixi Iyo Madaxweyne #Farmaajo Qaabkee Ayay U Waajaheen #Warbaahinta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi cabdi Bidix iyo Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomalaiya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Image File Araweelo News Network 12 February 2020

Araweelo News Network.

 

Labada madaxweyne ee ka taliya labada dal ee wallaalaha ah ee Somaliland iyo Somalia (Muuse iyo Farmaajo) labadooduba waxa xilka madaxtinimo loo dhaariyey sannadkii 2017, waa xilli laga joogo ku dhowaad  Afar Sannadood.

 

Qaabkii ay xukunka ku yimaadeen, marka laga yimaado, Wallow ay aad ugu kala duwanaayeen maraaxilka ay labada dawladood ku kala sugnaayeen, ogaalkaygana laga dharagsanyahay duruufaha dhinacyada badan ee ay labada waddan ku kala tagganyihiin, haddana xukuumad waliba hawsheedii u horaysay meel buu ka bilowday.

 

Xukuumadda madaxweyne Muuse tallaabadeedii u horaysay waxay si cad dagaal hoose ugu qaaday saxaafadda  iyo dhammaan war-baahinta madaxabanaan, iyadoo oodda u rogtay ilihii warbaahinta Wargeysyadii kasoo bixi jiray Hargeysa oo xilligan Afar ka mid ah oo qaarkood muddo saaxada ka maqnaayeen kasoo baxaan, waxa sidoo kale liciiftay warbaahinta Marreegaha (Websites) oo xawli ku socotay, waxaana  jiray shekooyin xan ah oo sheegay in shirrar hoose xukuumadda biixi durbadiiba ka yeelatay, sidii loo hakin lahaa idil ahaan warbaahinta, ficilkaasi wuu u hir-galay xukuumadda biixi marka dib loo eego afar sannadood kadib.

Sida la wada ogsoonyahayna warbaahinta Somaliland waxay aad u xoogaysatay cahdigii xukuumaddii Siilaanyo, waxa laga dharagsanyahay in dhammaan saxaafadda, baraha bulshada iyo warbaahintuba xawaare sare ku socdeen, meeqaam sarena gaadheen, awoodna u yeesheen inay la tartamaan warbaahinta dunida, iyagoo taakulo iyo tabantaababa ka helayey xukuumaddii hore ee Siilaanyo.

 

Madaxweyne Farmaajo wuxu lid ku ahaa falka ay ku kacday xukuumadda Biixi.

Farmaajo ugu horrayn wuxu culayska saaray, sidii uu u kobcin lahaa warbaahinta, sidii uu u heli lahaa suxufiyiin uga hawl-gala wadamo badan oo ay Somaliland ugu horayso, wuxuna dhaqaale, taakulo iyo taageero culusba siiyey bahda warbaahinta somalia, wuxu ku guulaystay inuu helo tabiyayaal u baahiya war kasta oo isaga dan u ah. Waxaad mooddaa in farmaajo fursad weyn ka helay halkaa.

 

Natiijada ka dhalatay tallaabooyinka ay qaadeen labada xukuumadood, waa ta qarisay wanaagga Somaliland isla markaana qurxisay foolxumada Somalia.

Markii la ogaaday awoodda warbaahintu leedahay, dhammaan Dunida casriga ah waxa xooggaystay Waraabinta Online-ka ee Websiteyada, kuwaas oo muddo kaddib markii ay soo cila baxeen Baraha Bulshada (Social Media ), balse iyagu la jaanqaaday, waxa soo baxday in Socail Media noqdeen baraha sida khaaska ah ay bulshadu u adeegsato, balse waxa abuurmay cabsi weyn oo ay dunida oo dhan ka dhigeen waxyaabaha lagu baahinayo ee bulaa xuduuda ah kuwo kahatar gelinaya, amniga, dhaqanka iyo xadaarada Bulshada, ama bulshooyinka iyo xataa nidaamyada dawladdaha, sidaa awgeed markii la ogaaday khatartooda, iyo in aannay jirin wax raad-raac ah oo ay leeyihiin, waxa lama huraan noqotay in la ilaaliyo warbaahinta Online-ka ee Websiteyada oo iyagu noqonayo deggelo yeelanaya raad-raac iyo kayd (Archive). Sidoo kale, waxa la ilaaliyay warbaahinta Wargeysa si aannay meesha uga bixin, kuwaas oo loo arkay in ay yihiin lagama maarmaan.

Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo waxay iyadoo garawsan awoodda warbaahinta iyadoo loo adeegsado danaha guud iyo kuwa gaarka ahba, waxay garawsanayd ahmiyada ay warbaahinta casriga ee Websiteyada iyo Wargeysyadu u leeyihiin horumarka qaranka, dhinacyada dimuqraadiyada, meel marinta qadiyada iyo qaranimada Somaliland, taas oo ayaa kala weynayd maalin iyo laba maqaal laga qaro, ama warbixin lagu dhaliilo.

Hase yeeshee, markii ay xukuumadda Madaxweyne Muuse xukunka la wareegtay 2017, waxay dagaal dadban ku qaaday warbaahinta waxaana istaagay dhammaan wargeysyadii kasoo baxayay Somaliland oo ay subax walba bulshada Somaliland indhaha ku kala qaadi jireen, sidoo kale waxay liciifisay awooddii warbaahinta Online ee Marreegaha Websiteyada, taas oo lumisay miisaankii ay Somaliland ku lahayd aduunka oo laga dareemayo maanta in warbaahintaVilla Somalia wiiqday, iyadoo masuuliyiinta xukuumadda Madaxweyne Biixi culayska saaren sheekooyinka madhalayska ah ee Facebook, oo ay kala weynaadeen doorkii qaranka ee warbaahinta amaan aan meel jirin oo carruuraha loo dhiibo si ay Facebook usoo dhigaan iyo sheekooyin kale oo ceeb ku ah qaranimada iyo nidaamka dal dimuqraadi ah.

 

Sidaa awgeed, waxay in badan oo Bulshada ka mid ah is weydiinayaan Sidee ayay macquul u tahay in xukuumad la Ilaaliyo Villa Somalia, islamarkaana tahli wayday inay dalkeega u taliso, kana mid ah waddamada ugu taagta iyo tamarta yar adduunku, ay uga hadal-hayn iyo saamayn badatay waddan nabdoon, xasiloon, ka madax bannaan ajaanib, awood ciidan iyo mid shicibba leh, kana hana-qaadday dimuquraadiyad heerkeedu sarreeyo?

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

Qalinkii Akram Cabdalla

Hargeysa, Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post