X

Madaxweynaha Su’aashan Halaga Daayo Wuu Dhibsadee!!!

Cabdiraxiim Cabdilaahi Shine

W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi Shine

Tan iyo intiii uu Madaxweynaha jamuuriyadda Soomaliland,  Muuse Biixi Cabdi, xilka qabtay waxaa furantay su’aalihii ay warbaahintu sida tooska ah u waydiinaysay Madaxweynaha kadib shan sanno oo ay warbaahinta iyo madxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo, aanay is arag, ama aanay su’aalo toos ah waydiin.


waxaa xusid mudan in Madaxweyne Biixi uu dhawar goor warbaahinta isugu yeedhay isago su’aalo badan uga jawaabaym balse waxaa so baxaysay su’aal marka ay warbaahintu waydiisaba uu Madaxweynuhu is bedelayay, ama uu dhibsanayay in su’aashaas la waydiiyo.


Su’aashaa oo nuxurkeedu ahayd “in beesha uu madaxweynuhu ka soo jeedo  ay xilalka qaranka uga badantahy beelaha kale Somaliland.


Su’aashan, ayaa marka ay warbaahintu Madaxweynaha waydiinayso waxay ugu soo hal qabsadaan fiidiyow Dhawar iyo labatan sanno kahor laga duubay kaas oo madaxweynihii waqtigaas joogay, AUN Maxmed xaaji Ibraahim Cigaal uu madaxweyne Muuse uu ku canaanayo in uu xilalka qaranka u dhiibtay koox ay isku suladaan yihiin ama ay isku reer yihiin, hadalaka Madaxweyne Muuse Biixi,  waxaa ka mid ahaa “ Maxamed xaaji Ibaraahim Cigaalow, Madaxweyne maanta adoo sideetan jir ah oo afartan sanno ay Somaliland tallo ku bidaysay, ma sagaal sanno ayaad Somaliland hor fadhiday,  ma maantaad salaadintii ku caleemo saartay aad tikniko u dalbatay,  ma maanta ayaad awoodii ku soo ururuusiay in aad isku suldaan tihiin” dakhiligii (wasiirka arrimaha gudaha) xakimkii sarre, xeer ilaalintii, taliye ciidan,  ma maanta ayaad awoodii ku soo uruurisay in suldaan idin wadda xukumo.’’ 
Madaxweyne Muuse biixi markii waqtigaa la joogay waxa uu arkayay in awooda qaran oo la wadda yeesha ay Somaliland ku socnayso, ama ay horumar ballaadhan ku gaadhayso, laakiin maanta mooyi si Madaxweynu wax u waddo.
waqtigii ugu danbeeyay ee Madaxweynaha su’aashan la weydiiyay waxa uu kaga jawaabay jawaab u dhignayd siddan, “ waxaan ka xasuustaa horta da’ddu waa da’dii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaalna wasiirkiisii daakhaligaan ahaa barigaa maad joogin, waa laguu sheekeyay ee waa runtaa oo Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal intaa waan ku canaantay waxaanan ugu canaantay qalad waqtigaa joogay baan ka qabanayay khaldkaasina waxa uu ahaa saladiintii faraha badnayd ee  Somaliland ay ku shireen guriga suldaan barre oo dad caqli xumi intay u taliyeen ay ku yidhaahdeen ciidanku ha weerarro oo taangiyo la soo dhaqaajiyay, taangiyadii la soo dhaqaajiyayna waxaan ahaa ninkii u tagay ee ku yidhi, “waar maad waalanatay xagaad Maxamedna  intaan gurigiisa ugu tegey, ayaan intaa iy in ka badan ku idhi oo saxaafaddana ka idhi’’ jawaabtaas oo u muuqatay mid aan ahayn tii ku haboonayd su’aashiii la waydiiyay isla markaana u eekayd sheeko majarre habaabin ah ama dadka lagu maweelinayo ayuu bixiyay Madaxweyne Muuse Biixi.


Shaki kuma jiro in Madaxweynuhu ogyahy in Guddoomiyaha Maxkamadda sarre, guddoomiye ku xigeenka maxkamadda,  wasiirka maaliyaada, Taliyaha ciidan ay isku suldaan yihiin laakiin waxaynu sugayanaa in ummadda uu qanciyo Madaxweynuhu.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post