X

Madaxdan Oo Kale Mayla Aragteen?

Cabdinaasir Axmed Ibraahim

1.Madax aynaan isku dhakhaatiir ahayn. 2.Madax aynaan isku dan ahayn. 3.Madax aynaan isku mabda ahayn. 4.Madax aynaan arki karin. 5.Madax aynaan tilifoon kula hadli karin. 6.Madax aan carruurtoodu inna la dugsiyo waxbarasho ahayn. 7.Madax aanay tiro lahayn guryahoodu. 8.Madax guryahooda macraddo baabuurta lagu iibiyo la moodo. 9.Madax maalinta ay shacabka u baahdaan ay sahlantahay in ay helaan, halka marka shacabku iyaga u baahan yahayna uu daba ballan-balo muddo dheer. 10.Madax aanay suuro-gal ahayn in ay gaadhaan dadka saboolka ah ee bulshada ka mid ka ah. 12.Madax aan ummadda u shaqayn e hudheellada dhir ka dhex baxday la moodo. 13.Madax qalbiga ka cadhowday oo muwaadinniinta qoxoontiga ku ah qurbaha ee ay ahayd in ay ka fikiraan sidii loo soo celin lahaa u baadhasho taga. 14.Madax aan waxba ka xishoon. 15. Madax beentooda iyo runtooda beentoodu badan tahay. 16. Madax aan maya aqoon, oo wax kasta haa yidhaa. 17. Madax ammaanta jecel. 18. Madax qabiilka iyo qudhunku mu tallaalan yahay. 19. Madax sinnaan la’aan ku caan baxay. 20. Madax marka ay xilka hayaan aad u kibra, marka xilka laga qaadana is-dhul dhiga.
Runtii anuu maan jeclayn in aan ku mashquulo siyaasiyiin aan istaahilin in xataa wax laga qoro, hasa yeeshee wali waxa aan arkaa dad badan oo u daacad ah oo mar labaad lagu guurayo anna waxa aan jeclaystay in aan ummadda u sheego wajigooda qarsoon.Waxa aan jecelahay nolosha aqoonta in aan ku mashquulo goortanna qoraallo badan iyo baadhitaanno badan ayaa ii socda kuwaas in aan kaga mashquulo dooni maayo. Wixii waajib ah dhinacaa iiga muuqdana waan gudan.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post