Horta adeegsiga Ereyga Eebe waa mid taabogalay oo Soomaalida haddeer u taqaan Alleh sidaasna ku saxan. Afkuna sidiisaba waa dhawaaqyo isku tagay oo ereyo sameeya oo dadku erey kasta wax gaar ah sumad uga dhigtay oo la isla gartay ama la is ku la aqoonsaday. Inta badan ereyga iyo waxa loo yaqaano xidhiidh kama dhexeeyo waxaana taa ka hadasha aqoonta semantics ee ereyada iyo macnahooda ku foogan. Marar kalena waxa dhacda in ereyada macne-guur ku dhaco oo waa hore waxii loo yaqaan inta laga kaxeeyo macne cusub la siiyo.
Magaca Eebe waa erey la macne ah “dhamme” (dhamays). Ereygu waxa uu u dhisan yahay eeb#e oo ah qaabka yeelaha, waxaanu la dhisme yahay jir#e, joog#e, cun#e iwm.
Inta badan ereyada alifka ku bilaabma Soomaaliga kolkol waa la dheereeyaa kolkolna waxa aad arkaysaa iyagoo gaaban sida; aabe oo ka yimid ereyga “ab” oo sida muuqata shaqalkiisa la gaabiyay. Waxa la mid ah “aag” oo markan si gaaban loogu dhawaaqo “ag” iyo “agagaar”.
Eebe waxa uu la jirid yahay ereyada ebi, ebyan, ebyoone, eebo iwm. Waxa muuqata in dhawaaqqa “e” qaarkood la dheereeyo qaarkoodna la gaabiyo marka lagu dhawaaqayo. Sida aynu kor ku xusnay waa arrin caadi ah oo la xidhiidhta codeynta.
Weydiintu waxa ay noqonaysaa: halkee macnaha Eebe ee aynu “dhamme” ku sheegnay u cuskanay ama ka keenay?
Sida aqoonta etymology ina barayso ereyada macnahooda si loo sugo waxa la raadiyaa ereyada kale ee ay sal-wadaagga yihiin, kuwaas oo macnahooda inta la taxo dabadeed halkaa laga soo dhiraandhirsado macnaha ay wadaagaan. Si aynu haddaba macnaha Eebe u sugno aan dhugano macnaha ereyada aynu kor ku xusnay ee ay sal-wadaagga yihiin.
Ebi waa erey fal ah oo macnahiisu yahay
“Hawl hore loo bilaabay ama qabyo ahayd dhamaystirid”. Marka lagu yidhaah “ebi” waa amar toos ah oo qofka la la hadlayo la farayo in hawl qabyo ah uu dhamaystiro.
Ebyan waa erey “Tilmaan ama sifo” ah oo macnahiisu yahay “wax la dhamaystiray noqosho” ebyoon iyana waa la macne.
Halkaa waxa inooga muuqata in ereyadaa sal-wadaagga ah dhamaantood ereyga “dhamaystir” wadaagaan. Si kale haddaynu u dhigno fal-amarka “ebi” waxa uu la mid yahay “dhamee”. Marka labada erey dibkabayaasha ka reebno inta inoo soo hadhaysa oo ah salka ama jiriddoodu waa “eb” iyo “dhan”. Haddii aynu dibkabaha yeelaha ee “e” raacino waxa ay noqonayaan “ebe” iyo “dhamme” (sida caadiga ah “n” marka ereyga ugu danbeyso haddii dibkabe la raaciyo “m” ayay isku badashaa sida “san” = “same” ama “samaan”, “xun” = “xume” ama “xumaan”.
Hadal iyo dhamaan afku waa kolba sida bulshada ku hadashaa iskula garato ee ay u adeegsato. Afkastana waa ku jiraan ereyo macne-guur ku dhacay iyo ereyo kale oo aanay macnahooda afkoodu qeexi karin, waxaana ka mid ah ereyga Alleh oo af Carabigu aanu qeexi karin macnehiisa iyo asalkiisa toona. Se ereyga Eebe waa erey Soomaaliyeed oo dhamme la macne ah.
F.g
Macnaha ereyada kor ku xusnay waxa aan ka soo qaadanay Qaamuuska Af-soomaaliga ee ay wada diyaariyeen Annarita Puglielli iyo Cabdalla Cumar Mansuur.
Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.
Guuleedayaanle Axmed Cumar