X

Maanta imisa hawlood oo lacag umada lagaga urursanayo ayey dawladani weel usii tolatay ?

Araweelo News Network.

By. Abdirahman Ismail Nouh

Xukuumadii tan hada talada haysa ka horeysay dhaliisha ugu badan ee loo hayey waxa ay ahayd in hawshii dawlada shicib lagu wareejiyey , sidoo kale si shaqsi ah macaash looga doonayey dadka.

Arimahani waxa ka mid ahaa

1- qalab la inoogu sheegay in gaadiidka lagu eegi doono oo berbera la dhigayey.By. Abdirahman Ismail Nouh

2- qalab la inoogu sheegay in shidaalka lagu eegayo oo isaguna berbera ahaa.

3- Madaarka Hargeisa oo lacago dheeraad ah lagu soo rogay oo badhna goleyaasha xeer dejinta laga soo sharciyeystay badhna aanay aheyn sharci.

4- Lacago xad dhaaf ah oo hay’addii wadooyinka ee madaxtooyadu la soo wareegtay dadka saartay oo cashuuraha lagu culeysiyey iyo lacago ay hay’addaasi iyo wasaaradii madaxtooyadu shacabka Somaliland ka ururisay oo min nus-saacihii caruuta waxbarashada ilaa qurbajooga la isugu dardaray .

5- Lacago badan oo lagu sheegay in lagaga hawl galay abaarihii oo waxna gudida abaaruhu haysay waxna dawladu maamulaysay.

6- lacago la saaray ganacsatada xoolaha oo maxjarada lagu qaadi jiray oo aad looga qayliyey .

7- liisamada wadista gaadiidka oo la sheegay in ay cashuuran yihiin mudo 3 sano ah oo lacag qaali ah lagu soo saari jiray ….iwm

Hawlahaasi xukuumadani halkay gaysay miyey wada qaramaysay mise si hoose ayuun baa dad kale loogu wareejiyey?

Maanta imisa hawlood oo lacag umada lagaga urursanayo ayey dawladani weel usii tolatay ?

Ma lacago ayaa laga qaadi doonaa shacabka waa Kan wasiirka gaadiidka Somaliland wareegto ku saaray warqadan in baabuur walba la marin doono BBG badqabka gaadiidka ?

Miyey waajib tahay in umada laga qaado lacago aan xeer jideyn, mida kale geerashyada lagu eegayo gaadiidka iyo qalabka eegaya ma dawladaa leh, hadii aanay lahayn goormaa dadka loo soo bandhigay oo la baahiyey?

Daawanayoow waa dalkaagii.

 

Ra’yiga lagu soo bandhigay maqaalkan wuxuu ka turjumayaa aragtida qoraaga, mana aha mid ka turjumaya siyaasadda tifaftirka, ama Faallada Araweelo News Network.

By. Abdirahman Ismail Nouh.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post