X

Ma Mudaharaad baa mise waa Dabaal degii mudo Kordhinta Cirro & Siilaanyo? W.Q Kaptanka

Ma Mudaharaad baa mise waa Dabaal degii mudo Kordhinta Cirro & Siilaanyo? W.Q Kaptanka

Mudo kordhintu maaha golaha Xukuumada oo kaliya ee sidoo kale waxaa loo kordhiyey laba sano oo waxyar kadhiman Gudoomiye Cirro iyo golahiisa Wakiilada oo yaguna aad uga soo shaqeeyey mudo kordhinta Cirro iyo Siilaanyo way ka wada socdaan mudo kordhinta waliba isku kiis maahee waxaa sii daran Cirro sababtoo ah hadaan si kale u dhigo Siilaanyo waxa uu kordhistay sanad iyo toban bilood HALKA Gud. Cirro Kordhistay sanadkii todobaad ee ku dheeriya mudo xileedkiisii 5ta sano ahaa.

Gudoomiye Cirro hadii ay ka dhabtahay mudaharaadka uu ku baaqay isaguba wuu ku jiraa mudo kordhintee ha iska diido inta loogu daray ee ah labadan sano ee cusub intasaa noogu filan mudaharaade lakin mudo kordhinta waan aqbalay waanan ku mudaharaadayaa waxaanu u aragnaa inuu Xisbiga waddani u dabaal dagayo mudo kordhinta waana sababta xisbiga UCID ugu diiday mudo haraad waayo waxay u arkayaan debaal degii.

Mudo kordhinta golaha guurtidu waa xaaraan sinaba u aqbali maayo shacabka J. Somaliland Madaxweyne Siilaanyo oo markii uu mucaaridka ahaa aad iyo aad uga gubanjiray mudo kordhinta guurtida oo waqtiga kaliya ee la maqlaa yahay maalinta ay mudo kordhin samaynayaan, Madaxweyne Siilaanyo wuxuu laba goor baarlamaanka ka hor sheegay inanu kordhisanayn waligii ee uu doorashada xiligeeda ku qaban doono taasina way beenowday waaka maanta kordhistay.

Mana aha markii kowaad ee uu odaygu mudo kordhin samaysto waxa sanad iyo toban bilood loo kordhiyey waqtigii uu ahaa gudoomiyaha SNM kadib markii uu ku guul daraystay qabashada shirwaynihii SNM WAANA KII Hadraawi Lahaa DOORASHO WAAN XIDHAY DABADAYNA LAMA QABTO. Hadaba wa yaabe madaxweynuhu miyuu ka faashada sanadkan iyo tobankan bilood ee maantana loo kordhiyey.

Allaah Mahad leh
Abdiqani Salaf Kaptanka

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post