X

MA JIRTO DAHABSHIIL CID UGA WAXTAR BADAN SOOMAALIDA

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Laga Soo Bilaabo Maalintii La Aasaasay Shirkada Xawilaada Lacagaha ee Dahabshiil Waxaad Maalinba Maalinta ka Danbaysa la Dareemayay Koboca Dhaqaale iyo kan Horumarineed ee ay Bulshada u Horseeday, Kasbashada Bulshadu Waa Hadba sida aad Wax ugu Qabato, Taasina Waxay Cadaynaysaa Shirkadda Dahabshiil Hanashada ay Umaddan Hanatay inay ka Markhaati kacayso Sida ay ugu Hawlantahay Horumarinta Bulshada ay u Adeegto iyo Waxtarka Muuqda ee ay la Garab istaagto iyadoo ay waliba Siinaysa Yididiilo iyo Dhiiri-gelin dhinaca Horumarka Dhaqaalaha iyo kan Nololeedba.

Haddaba Waxaynu Maanta Diirada Saaraynaa Marka Laga Yimaado Shirkadda Dahabshiil Adeega ay u Qabato Bulshadeeda Sumcad intee Leeg ayay u soo Kordhisay Soomaalida?
Kaalinta ay Aduunka Kaga Jirto ma ku leedahay Saamayn Soomaalida?

Sanad Waliba Waayihii Nin Walibana Kartidii Mudo laga Joogo 2 Sano iyo Dheeraad ayaa Shirkadda Dahabshiil waxaa Si Gef ah u Doonay inuu Xidhiidhka ugu Jaro Bangiga Caalamiga ah ee Barclays Bank isagoo Eedayn uga Dhigaya in Shirkada Dahabshiil laga Leeyahay Dhulka Soomaalida, Sidaa Darteed aanay la Shaqayn Karin Eed aanay Shirkadu lahayna Dusha u Saaray, Haddaba Hogaanka Shirkada Dahabshiil Mudane Cabdirashiid Maxamed Siciid ayaan Marnaba ka Fadhiisan Siduu u Muujin Lahaa Soomaalidu inay Tahay Dad Sumcad iyo Karaamo Caalamka Guudkiisa ku Leh Awoodna u Leh inay Barclays Bank Ku Maxkamadeeyaan Dhulkiisa Hooyo kagana Guulaystaan Dacwaday Dalkiisa kula Galeen.

Taasi waxay Sabab u Noqotay in La Ilaaliyo Xeerka Ganacsiga Caalamiga ah laguna Qadariyo Soomaalida Soomaalinimadeeda, Shirkada Dahabshiil Dhismayaasha Kaabayaasha Dhaqaalaha, Taageerida Dhalinyarada, Dhiirigelinta Ganacsatada Yaryar, Tartanka Suuqa Xorta ah, Kaabista Waxbarashada, Caafimaadka, Wadooyinka, Agoonta, Danyarta Dhamaan Waxyaalahaas aynu Soo sheegnay Horumarintooda Waxaa Kaalinta Koowaad Soomaalida ugu Jirta Shirkada Wadaniga ah ee Dahabshiil.

Dhacdooyinka iyo Xiliyadii ay Shirkada Dahabshiil Hormuudka ka ahayd Xili Loo Baahnaa Dadka Maalqabeenada ah iyo Shirkadaha Wadaniga inay ka Qayb qaataan Xaalad u Baahan Taageeradeeda Dahabshiil waxay Xiliyadaa ahayd Mid Ka Turjumaysa Heegankay ugu Jirto Kaalmaynta Dadka Soomaalida ah.

La Soco Akhristow Qaybaha Danbe oo aynu Xiliyadaas kaga Sheekayn Doono.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post