qoraalMasuul marka uu xilka hayona qaranka amaana wanaagiisa sheega , marka xilka laga qaadan qaranka aflagaado cay iyo canbaarayn dusha u saara waligii kob cagaar leh kamasoo durduriyo, bulshadana harumar uma hor seedo, hankiisuna qaylo iyo hunguri ma dhaafo.
bal u fiirsoo 90% dadka sheeganaaya masuuliyada ee ka dhex muuqda ururada siyaasiga waxay hore u ahaayeen masuuliin xilal ka soo qabtay maamulka haatan jira iyo kuwii ka horeeyayba dhamaantood kasoo heli maysid hal masuul oo sheegay dhaliil ay dawladu leedahay isagoo xil ka haya dawlada.
su’aalaha iswaydiinta leh ayaa ah,
ma masuuliyiintaa falnaa markay xilka hayeen oo imikay indhuhu u furmeen?
ma dhaliishaa imika soo baxday oon markii hore jirin?
ma danahoodii shaqsi ahaaneed ayay dawladu ka hor istaagtay?
ma bulshadaa wax ma garato u badan oo caqligeedaan garan karayn in uu masuulkani yahay kii shalay amaanta iyo hambalyada badan u hayay dawlada?
mise anigaa is moodsiiyay si kastaaba badane?
ninbaa laga hayay (AHUN) “qiiraa xamar idin gaysay, imikana qiiraa idinka keentay, intay qiiradaasi idin wadana horumar gaadhi maysaan”.
1990-kii ilaa maanta oo ay taariikhdu tahay 2015-kii ayaa shaashada iyo warbaahinta ay ka muuqdaan siyaasiyiin xilal ka haya dawlada hadba wakhtigaa jirta, iyo kuwo kale oo mucaarid isku sheeg ah oo badankooda laga xayuubiyay xilalkii ay hore u hayeen, xil ka xayuubintaas oo loo cuskaday inay gudan waayeen xilalkooda shaqo iyo wajibaadkoodii shaqo.
Hadaba masuuliyiin gudan waayay waajibaadkoodii shaqo oo la eryay maaha dawladani tii u horaysay ee xilka ka erida masuul gudan waayay shaqadiisa qaranku u igmaday, mana aha markii u horeysay ee masuulkii la eryaaba uu ku biiray xusbiyada mucaaridka ah, kadibna uu kor iyo hoos u sheegay dhaliil iyo dacaayad aan jirin markii uu xilka ka hayay dawlada.
Caqliga fayow ee umada, da’yarta aqoonta leh, dad garashada allah ku manaystay ayaa dhamaantood dareensan inaysan wanaag u wadin, dan guud ka talinay, horumarna doonayn masuul kazoo bixi waayay waajibaadkiisa shaqo markuu xilka hayay, hadaba bulshada waxaan u gudbinayaa inay ka feejignaadaan iskana hubiyaan hadalada meel ka dhaca iyo qadafka ku ah garashadooda ee loo marinaayo warbaahinta ee lagu yool habaabinaayo marinkooda toosan ee ay ku hiigsanayaan tubta horumarineed.
Bulshadu ha garato cida ay dantu ugu jirto ee ku hagi doonta hilinka toosan iyo guri barwaaqo ay ku nastaan kuna nagaadaan kagana raystaan rafaadka iyo rakaadka ku yimi geedi u socodkii horumarkii ay dhiig iyo maalba u waayeen.
Qore: axmed naasir
axmed.naasiir@gmail.com