X

Khaladka Baarlamaanka Soomaaliya ee aqoosniga bariga Sool iyo Saameynta Somaliland

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta sameeyey khalad weyn oo taariikhi ah, kaasoo saameyn ku yeelanaya xuduudaha deegaanada Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya iyo Somaliland. Khaladkan wuxuu ka baxsan yahay xeerarka uyaalla midowga Afrika ee la xidhiidha inaan waxba laga badalin xuduudihii laga dhaxlay gumaysiga iyo dastuur ku sheegga Fderalka Somaliya ah ee hore loo dejiyey, kuwaas oo qeexaya qaabka maamul goboleedyada loo aqoonsan karo.

Qeexida Dastuuriga ah
Dastuurka Soomaaliya ayaa sheegay in maamul goboleed lagu aqoonsan karo ugu yaraan laba gobol wax ka badan, waxaana hadda maamul goboleed loo aqoonsadaty saddex degmo opo katirsan gobolka Sool. Hase yeeshee, baarlamaanka ayaa ka leexday xeerkan, taasoo ka dhigan in la tuntay dastuurkii ay dhegteen iyo in la abuuro khilaaf cusub oo dhex mari doona bulshada Somaliyeed ee ku dhaqan geeska Afrika.

Taaspp degmo waliba ay ku dhawaaqi doonto maamul goboleed gaar ah oo ahlkaas ka dhacdoi fowdo. Arintan waxay muujinaysaa in si aan habboonayn loo maareynayo arrimaha siyaasadeed iyo kuwa sharciba, iyadoo loo baahan yahay in la tixgeliyo xuduudaha udhaxeeya Somaliya iyo Somaliland ee la saxeexay in ka badan qarni badh iyo horteed.
Saameynta Somaliland

Khaladkan wuxuu sidoo kale ka tarjumayaa in Somaliland lagu xumaynayo, iyadoo Somaliya la hoo sgaynayo qaar ka mid ah degaanidii iyo xuiduudihii gaarka ahaay ee Somaliland. Haddii aan la saxin arrintana, waxaa dhalan kara fidno iyo khilaaf cusub, taasoo keeni karta inuu dhaco khilaaf xuduudeed oo sababi kara dagaallo iyo xasilooni darro dhexmarta Somaliya iyo Somaliland.
Jawaabta Somaliland

Somaliland waxay u baahan tahay inay ka jawaabto khaladkan, iyadoo ka fekireysa sida ay dowlad usamaystaan ee loo aqoonsan karo dadka dirka ah ee deggan badhtamaha iyo Koonfurta Soomaaliya oo loo sameeyo dhawr maamumul goboleed oo cusub. Marhaddii dowladnimadii Somaliya noqotay in qolo waliba ay maamul goboleed gar ah samaysato, maxaa iyaga udiidaya. waxaa fiican in dadkaasi ay helaan fursad ay ku sameystaan maamulkooda oo ay katashadaan danahooda, iyadoo la raacayo habka maamulada qabiilka ku dhisan ee Soomaaliya.

Waxaanan u arkaa khalad ay sixi taankiisu adkaan doonto, tallaabada ay ku kacday dowladda taagta daran ee ku amar ku taagaklysa Somaliya, ee rabta inay kala qaybsiso reer Somaliland iyadoo ka faa’idaysanasa xaaladaha hadda taagan.

Gunaanad
Khaladka baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah arrin aan la dhaafi karin, waxaana muhiim ah in la helo xal waara oo jawaab u ah khaladaadka ay ku kacday xukuumadda Somaliya. Waxaa lagama maarmaan ah in la tixgeliyo qaanuunka iyo dastuurka, si loo ilaaliyo nabadda iyo isfahamka bulshada. Wakhtigu wuxuu muujinayaa in Somaliland la baahan tahay in la helo siyaad hufan oo ka jawaabaya marxaladaha siyaasadeed ee soo kordha iyo baahiyaha dadka oo dhan gaar ahaana baahida dadka Dirka ah ee ku dulman degaanada badhtamaha iyo koonfurta Somaliya.

Waad mahadsantahay,
Cabdi C. Xasan,
Hargeisa, Sl.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post