Kalsoonida waxaan ku micnayn lahaa qof ku kalsoon Awoodda naftiisa iyo ficilada uu samaynayo sidoo kale waa qof aaminsan QADARKA,RISIQA iyo Waayaha Nolosha , Sidoo kale waa qof ku dhac leh oo rummaysan inuu isticmaali karo Awooddihiisa uu AWOODDE siiyey isagaa Awood lehe, Waa qof aan labac- labac da aqoon siddoo kale waa qof xamili kara Xaal kasta oo kaga soo noqda ficilkiisa Alle na uma dhalin ta waawac badan, Qofka isku kalsooni inta badan wuxuu raaca dhan uun dhinacyadda badan ee nolosha , Jidka guusha ama jidka guuldarooyinka mid uun buu qaadaa oo ku kalsoonadaa wixii uga soo baxa ,Qofka isku kalsooni waa qof leh calaamaddaha geesinimada mid ka midda siddoo kale waa mid ka midda dadka badheedha ee dunida guudkeeda ku nool ee ku guulaysta jidadka nolosha , Sidoo kale waa qaar ka midda dadka aaminsan in guuldarada laftigeedu kamid tahay jidadka nolosha lamana yaabana wuuna ku faraxsan yahay jidkasta oo uu nolosha qaadaba ,Kalsoonidu waa awood ay isticmaali karaan uun
inta KOREEYE garansiiyey ,
Inta kalsoonida leh dhaqan iyo caado toona uma laha in loo sameeyo ama loo nacam leeyo ,loo guulwaddeeyo , waxaa inta badan ku caana dhaqankaa dadka inta aan naftooda ku kalsoonayn ,sidoo kale waa dad aad u jecel ficiladan soo socda oo dhan in loo sammeeyo sida ,GUULWADAYNTA, AMAANTA, BUUNBUUNITA,BEENTA,KIBIRKA, QABTA , ISLA WAYNIDA, TAAGEERIDA XAQDARADA, KHAYAALIGA, iyo wixii la mida, haddaba dadka inta isku kalsooni intaa midna ba kama helaan, inta badan dadka isku kalsooni waa dad jecel , RUNTA , IS DHUL DHIGA, WAA DAD KIBIRKA NECEB, WAA DAD XAQA U DIRIRRA, Nin jeclaysiga iyo qabyaaladdana neceb, Waa dad DULMIGA ka dhiidhiya , Waa dad Guusha u haysta ta ALLE bixiyo , Kalsoonidu waa nimcooyinka KOREEYE bixiyo mid ka midda midda waana wax la baran karo, Waa nidaam iyo qaacidoyin ay fahmaan uun inta uu koreeye fahansiiyo.
By: Abokor Omar Osman
Email.Abokoromer@gmail.com