X

Kaftanka Na Dhex Maray Murashax Muj. Muuse Biixi Cabdi Iyo Jawaabta Uu Ka Bixiyey Hadal Hayn Bulshadda Dhexdeeda Caan Ka Noqotay

Guddoomiye Muuse Biixi


Somalidu waxay ku maahmaahda Been Fakatay Runi ma gaadho, waxaan uga socdaa Hadal hayn bulshadda Somaliland dhexdeeda waayahan dambe ka caan noqotay oo sidaan filaayo kolay arrimo Siyaasadeed ku lug leh ama aan ka madhneyn, waxa la sheegay in Murashaxa jagadda Madaxweynaha ee Xisbiga Muxaafidka Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi hada waa sida la wariyey ee bulshadda in badan oo ka mid ahi imika aaminsan yihiin in uu hadalkiisi yidhi Muuse ee waxa la sheegay in uu yidhi “Waxaan ahay Madaxweyne Dhaartii uun u hadhsan tahay” ,hadaba wali ma jirta cid odhanaysa aniga ayaa hadalkaasi Muuse Biixi afkiisa ka haya ama markii uu hadalaka yidhi goob joog ayaan u ahaa, hadaba qaraalkan kooban ee aan xaqiiqada dhabta ah ee arinta Muuse laga sheegay jawaabta saxda ah bulshadda ka siin doono, bal in uu Muuse Biixi hadalkiisi yidhi iyo in laga been abuuray waxaan ku iftiimin doonaa qoraalkaygan oo aan hore isaga oo intan ka sii kooban ugu baahiyey Bartayda Facebook-ga ee (Abdiwali Ali).

Waxay aheyd maalintii Khamiistii ee todobaadkii hore oo Bishu aheyd 26/1/2017-ka ka dib markii Koox Saxaafadda kala duwan ee Somaliland ka mid ah oo aan ka mid ahaa uu Tababar ku saabsanaa Doorka Saxaafadda ee Doorashooyinka Somaliland iyo Xeerka Anshaxa Saxaafadda noogu soo xidhmay Huteel Maansoor ee Magaaladda Hargeysa. ka dib laba maalmood uu aqoon korodhsigaasi noo socday iyada oo ay tababarkaasina iska kaashadeen ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA iyo Hay’adda ay Hay’adda IBRT.

Hadaba Hadii aan u soo noqdo Sheekadda qoraalkayga ee na dhex martay aniga nin aanu Saaxiib nahay Tababarkana ku wada jirnay oo ah Suxufi Haldoor Jimcaale Dayib iyo Mushtaaq oo ka mid ah Hablaha Warbaahinta Somaliland gaar ahaan Talafeeshinka True Capletv ka hawlgasha iyo aniga oo ah Suxufi Cabdiwali, waxa markii aanu abaaro 1:45 Daqiiqo soo dhameysanay aqoon korodhsigaasi mudada labada maalmood ah noo socday aanu la kulanay qisadan,

Waxaanu Barxadda dhinaca Galbeed ee Baarkinka Gaadiidka la dhigto ee Huteel Maansoor anaga oo Gaadhigii Halka hore noogu yaalay ayaanu u soo dhaqaaqnay iyada oo qorshahayagu ahaa in aanu fuulo gaadhiga isla markaana Jimcaale iyo Mushtaaq ay hore ka sii fuuleenba Gaadhigii, hadiiba aan aniguna ka soo daba dhaqaaqay oo daaqadii sida u furay waxaan Ishka qac ku siiyey oo si lama filaan ah u arkay Murashaxa Madaxweynaha ee Xisbiga Muxaafidka Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi isaga oo Taleefanka gacanta ku hadlaaya oo Dhegta ku haya oo kaligii Jidka Baabuurtu ka baxdo ee Baarkinka Galbeedka Huteelka taagan, halkii aanu Gaadhiga ka sii fuulaynay, ka dibna waxa na dhex martay sheekhadan.

Abdiwali: “Waar Jimcaale Maadan Arkaynin Madaxweynihii Mustaqbalka” ?

Muuse: Haye/Masidaasa Iyo Talafeenkiisii ayuu iska sii wata?.

Jimcaale: “Madaxweyne Dhaartii ayuumba Ku Hadhsan Sawmaaha” ?

Muuse Bixii: “Waar Maya Maya Maya, Dhaarta Iyo Madaxweynenimadda Rag Iyo Hawl ayaa Ka Horaysa ee Dhaartu Wakhtigeeda Ayey Iman Doonta ee hooy dacaayadda iga daaya ” (Inta uu deg deg taleefankii u dhigay) .

Abdiwali: “Guddoomiye Sawta La Yidhaahdo Sidaasi” ?

Muuse Muuse. “Way Iska Hadleen Kuwaasi” (Inta uu noo soo dhawaaday oo Daaqadii Gaadhiga aanu saarneyn soo Istaagay)

Abdiwali:. “Hada Guddoomiye Anagu Xogogaal ayaanu Nahay oo Waxaanu nahay ragayagana kula hadlayaa Saxaafaddii” ?

Muuse Biixi: “Maydinka Saxaafaddii ah kkkk Hada Idinka Laydin Caddaabi Maayo oo Masaakiin ayaad tihiin oo Afkiina ayaad ku Jano geli doontaan”.

Inta ka dib isaga oo dhoolacadeyn Qosol u eeg iyo anaga oo aad ugu Qoslaayna Korneylkii Muuse Biixi oo furfurnaanta iyo Kalsoonida aan looga baran gaar ahaan dayartayada maanta la kulmay ee waliba dacaayadeeyey sida uu u la kalftamay anaga oo la yaaban ayaanu Gaadhigayagii ka soo dhaqaajinay isaguna xaga iyo dhankii VIP-da ee Huteelka uu u dhaqaaqay.

Diyaariye. Suxufi. Cabdiwali Cali Ismaaciil

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post