qoraal
Waa hawraar dhabnimadeeda aan laba Cali is weydiinayn. Adeegsiga cinwaankaas oo aan ka soo dheegannay gabay uu tiriyay Abwaanka weyn ee Muuse Cali Faruur, waxa aan ku caddaynaynaa dad maan-gaab ah oo bulshada marinhabaabiya, isla markaana ka leexiya tubta toosan.
Sida guud ahaan Muslimiintu ka warqabaan diinta Islaamku waa diin fudud, ku dhaqankeeda ummadda Alle wuu u fududeeyay, hase ahaatee, dhibtu waxay tahay iyadoo Rabbi fududeeyay in doxorro maan-gaabnimo u dhashay dadka ku adkeeyaan, iyagoo aan wax badan ka ogayn xogaha sugan ee diinta, isla markaana aan dabagalin baadhitaannada dhaadheer ee sida xeesha dheer ay u lafa gureen aqoonyahannadii hore (ISTIQRAA).
Waa amin galab ah goor-sheegtu waxay tilmaamaysaa shantii galabnimo, cadceedduna waxay ku sii siqaysaa godkeedii. Waa laba kuray oo gaashaan-qaad ah iyo weydiin degdeg ah, “Tusbax ayaad sidataa, waana xaaraan, sawtii aad waxoogaa diinta ka taqaannay.” Yaab iyo af-kala qaad ayay noqotay, waayo dhawaan ayey ahayd kolkii labadan kuray ka yimaaddeen dhinaca baadiyaha; weli si rasmi ah Qur’aanka umay khatimin, rug waxbarasho ayey galeen oo kutubta hoose loogu laqbeeyo. Wareysi ka dib, xitaa waxay durayaan aqoonyahankii diinta ugu waaweynaa magaalada. Warcelintaydii waxay ahayd, “Sida aan ka warhayo, wax diidayaa ma jiro adeegsiga tusbaxa.” Haddaba, masaladaas aan ummadda u caddeeyo si aan mar danbe mugdi u galin.

MAXAY DIINTU KA QABTAA ADEEGSIGA TUSBAXA?
Hillinka iyo ujeeddada weydiintu waa kolka lagu tasbiixsanayo. Sida ay tibaaxeen aqoonyahannada diinta xogaheeda sugan u kuurgalay, ma jiro xog sugan oo xadiis ama aayad leh oo sheegayay tusbaxa laftigiisa; hase ahaatee, waayadii dambe ayuu soo baxay adeegsigiisu. Ummadda Muslimiintu waxay leedahay dhaxal – dhaxalkaasi waa aqoonyahanka diinta, sida ku xusan xadiiskii Abuu Dardaa’ ee Bukhaari iyo Muslim ba soo saareen. Kolka ay masalo cusubi (naasilo) ahi timaaddo, iyaga ayaa dedaala kadibna war-murtiyeed soo saara, kaas ayaa bari iyo bogax ba u baxa, bulshadana la faraa inay u hoggaansanaadaan. Sidee ayay ku helaan xal? Ma ku habsadaan dhabbada saxda ah mise way garab maraan? Weydiimahaas hadda muhiim maaha inaan ka warceliyo.
ODHAAHDA AQOONYAHANKA DIINTA

Sheekhul Islaam Ibnu Taymiya waa ruug-caddaa diinta Islaamka u soo halgamay; aqoonyahan masaa’ilka diintu u bislaatay. Dood-diineed weligii dhankiisa dhulka lama dhigin. Gaal iyo Islaam uumiyahan dunida guud jooga, waa nin maan dheeri, mutuxnaan aqooneed, ay ku tuhmaan. Dhigganayaasha uu qoray waa nin lala ashqaraaray oo diini iyo maadi ba Eebbe ku mannaystay, waxa uu ahaa ruuxa keliya ee xitaa dadkii la doodi jiray ee Muslimiinta ahaa (Ashaaciro iyo Suufiyo) ay gebi ahaan ba ka amakaageen wax uu Rabbi nimcooyin ku maasheeyay. Qofka doonaya macluumaadkiisa ha eego SIYAR ka iyo ammaanta uu Dahabi qoray. Xaafidka waxa laga hayay, “Ammaan waxa ugu filan inuu ardaygiisa noqday Ibnul Qayim.” Hawraarta ay durabadiiba ku hal-gaadeen ayaa ah, “Kaana Baxran Fil Cilmi,” oo ay ula jeedeen waxa uu ahaa bad cilmi ah. Carabtuna waxay ku maahmaahdaa, “Xaqiiqdu waa waxay xitaa cadawgaagu kuu qiraan.” Kolkii ay tii Alle u timid, waxa ku tukaday xalqigii ugu badnaa inta la weriyay ee qof dhinta ku tukada, taasina waxay ku tusinaysaa mansabka uu Alle ninkaas gaadhsiiyay. Weydiintu waxay haddaba tahay, muxuu ka yidhi tusbaxa? Weli ma soo marin dabadii ummadda Muslimiinta ruux ka cilmi badan oo gees kasta sidaasi ugu bislaatay meelna u saaray, qof kasta oo wax akhriyaana wuu ila qirayaa.” Sheekhul Islaam: Tusbaxa wuxuu ku tilmaamay wax wanaagsan oo aan makruuh ahayn haddii niyaddu fiicnaato.” Tix-raac: Majalladda 22aad bogga 506 – majmuucul fataawaha.
Kol Sheekh Ibnu Cusaymiin oo isna ahaa ruug-caddaa fiqiga yaqaan oo casrigan ahaa ragga ugu horreeya la weydiiyay xukunka tusbaxa: “Tusbaxu maaha bidco diineed, waayo ulama jeedaan dadku inay isaga caabudaan, ee waxay ula jeedaan inuu tirsado inta uu ridayo tasbiixda; waa waddadii la sii marayay ee maaha maqsadkii. Hal mid oo se ii dihin: Wasiilada la iskuma bidceeyo, ee maqsadka ayaa la isku bidceeyaa. Waxa se fadli badan in faraha la isticmaalo waayo waa laga dhawaajinayaa.” Majmuuc Fataawa wa Rasaa’il Mj 13
Sheekh Ibnu Baas
Kol la weyddiiyay oo isna ahaa aqoonyahankii Casriga ee Alle ummadda Muslimiinta ku anfacay waxa uu ku warceliyay, “In la iska daayo ayaa fiican, laakiin dhib ma laha haddii qofku gurigiisa ay u taallo oo uu iska ilaaliyo istusnimada. Tusbaxa, dhagaxa iwm wuu ku tirsan karaa wardiga, waxa se kaba sii fiican adeegsiga faraha.” Kadibna sheekhu xadiiskii ayuu keenay. Soomaalida culimada u dhexda ah ee aan ku jirin wax xarako ama koox diimeed waa Sh Shibli oo ah caalim Soomaaliyeed ku fogaaday diinta Islaamka, mar la weydiiyay adeegsiga tusbaxa, wuxuu tibaaxay inuu bannaanyahay. Sidoo kale, Sh Maxamed Dirir oo isna ah Muftiga Somalilaand wuxuu sheegay in la adeegsan karo.
GUNTII IYO GABOGABADII
Haatan waxaan filayaa ruuxii xaq doon ahi inuu gartii qaatay. Meeris gabay ah oo aan ka soo gaadhnay odayga gadh-caddaaga ah ayaa ahayd: Wuu darajo beelaa ruuxii loo danleeyahay. Ugu danbayntii, waxa la gudboon dadka diinta suuban ee Islaamka baranaya is dhul-dhigid badan, af-gaabnimo ballaadhan, ixtiraam badan, u naxariisasho bulsho – uma se bannaana dhega-adkaan, asraartan badan, iyo akhlaaq dhalanteed ah. Waxay iila muuqataa in talada aan soo jeedinnay si dhab ah loo qaato ee aanay noqon, “Dhurwaa ul lala gaadhi waa, afna wax lagaga qaadi waa.”