W/Q. Abokor Cumar Cisman
abokoromarosman
Waxay ahayd magac bixin igu cusub oo aanan hore u maqal , Waxaan saxibkay ku celiyey maxaad tidhi saxib ? Wuxuu igu jawaabay isagoo dhawaqii kor uga sii qaaday intii hore, Waxaan ku idhi saaxib “JEELKII WEYNAA” ayaan iskaga jiraa, Anigoo yaaban oo aan ogayn saxibkay in uu xidhnaa ayaan ku yidhi oo saxib in muddo ah kumaan maqal oo barraha bulshaddana kugumaan arrage miyaad xidhnayd saaxib? Oo jeelkaa weyn ee aad u jeedaa miyuu ka weyn yahay cabirka ay jeelalka dunidu leeyihiin saaxib, Saaxibkay si niyadda ayuu igu qoslay, Oo uu qosalkiisii iska watay muddo il-bidhiqsiya ah, Anigoo yaaban! ayaan saxibkay ku yidhi saaxib maxaad igu qososhay siddaas oo dhan , Saxibkay waxba e’ waxaan ku qoslay ( JEELKA WEYNAA ) ee aan kuu sheegay iyo sidaad u fahantay ! ee daacadda ah ee jeelka aad u mooday kii caadiga ahaa ee laysku xidhayey , Anniga laftigayga ayaaba isku qoslay cabaar, Saxibkay oo kalmadaha ii boobsinayaa ayaa igu yidhi waa iska jeel weyn oo kale oo waliba wax waliba yaalan , Markale ayaan saxibkay ku celiyey maxay ! si dagdag ah ayuu u yidhi jeelka weyn ee aan ku jeedaa waa waddamada yurub saxib ! waxooga ayaan aamusay oo waxaan isku kay noqon wayday ,
Saxibkaygii aan inta mudadda sannodada ahayd hammigiisa iyo rajadiisu ahayd mar uun cagta saar waddamada yurub mid uun , Aniguna rajada iyo mustaqbalka ugu weyn ee saaxibkay ku taamayay waxaan u aqoonsanaa in uun mar cagta u saaro wadamadaa yurub, balse wakhtigii shalay iyo fikirkii shalay ba maanta muu ahayn kii uu saxibkay qorshaynaye , waxaa bad moodaysay siduu u hadalaayey nin aan waligii ku fikirin hamiga iyo rajotoona ka qabin inuu dalka ka baxo , waxa badan ayuu saxibkay I su’aalayey hadalkiisuna sidda biyaha ay u soconayey oo kale ayay ahaayen , siduu boholyowga u qabay xataa maan awoodi karayn xataa inaan jawaab qudha u dhammaystiro siduu wadanka ugu bohowyawsanaa waxaad is odhanaysaa tolow ma sodden sanno ayuu maqnaa, Anigiii buu shaki igaliyey siduu dareenkiisu ahaa wuxuu igu celcelinaayey, waddankii waa sidee ? balse markasta oo uu su’aashaa I waydiiyo waxaan ugu jawaabaayey waa sidii oo waliba abaari noo raacday , Sidoo kale wuxuu saxibkay I waydiinayey, waa sidee hebel ? oo hebelkii kale halkuu joogaa ? hebel baryahan ma is arragteen! Inta waxaas oo su’aal ah I su’aalayay Aniga maskaxdaydu waxay is waydiinaysaa ninkani muuna ahayn ninkii shalay uun waddanka ka tagay ma isagaa ba wali sannado dhawra ba maqan maxaa ka si noqday! , saxibkay waxaa hadalkii ka muuqday isku buuq iyo culays badan oo uu dareemayo oo ay na cidkale la waddaagi karin , Wuxuu ahaa hammuum han iyo himilo dheer leh, Balse bilo yar oo kooban gudohood ayay kaga dhinteen rajadii iyo himmiladii fogayd ee uu lahaa , wuxuu marqudha dhulka dhigay han iyo himmilo shan iyo tobban sanno ka dhex guuxaysay noloshiisa ,
Hadalkaagu waa u dawo iyo xusuus dheer oo maskaxdiisa ka dhex guuxaysa dharaaro xusuustood, Wuxuu ku noolyahay intaa aad wada xasuusanaysaan oo qudha ,Habeenka iyo malintu kama dhammaadan xusuusihii soo maray iyo rafadkii uu ku soo gaadhay yurub , isaguna kama fikiro qorshe kale iyo micno kale keen balse saddexda wakhti kama warwaro huga iyo maydhasadana wuu iska helaa ,Marmarka qaarna meelo yaryar oo ayna dawladdu ogayn ayuu ka soo xammaashaa , Wuu quruxaystay oo isagiiba ma moodid wuxuu ka raystay cadceedii africa ee vitamin D dafta ka ahayd , Balse nasiib xumo waa qalfoof ayna naf hoose ku jiriin ,
Waa mayd soconaya oo kale uun markaad arragtid rajo xummada ka muuqata oo kale , waa rajo xumadda teedii oo kale uun, cabashaddiisa iyo waayihiisa iyo dhibtiisaba lama arkayo cidna uma waaya sheegto oo isagii ba wax laga rabaa oo waa masuul masarif laga sugayo , wakhtigaa qasab kaga dhigay inuu facebook, what’upka ,viperk iyo IOM miciinsado iyagaa tol iyo qarabo ba u ah waxaa ka soo hadhay haddii aan sidan moodayo miyaan iman lahaa ba ! , Talo iyo isbarbardhigid qaarado kale tagay ayuu doonayaa inuu wakhtiga kaaga qaado, Wuxuu kugu celcelinayaa saxib yurub ha iman walaahi naf ma lahee hadda waa adigii uu ku ogaa inaanad u ba socon ! wuu is masaxay oo wuu iloobay inuuna hammigaagu ahay dhoof oo yurub tag , Markaad ku tidhaa saxib soo digii qorshahayga ogaa , Wuxuu si dagdag ah kuugu jawab celinayaa adiga maaha saxib ciyaalkiina iyo cidda ku soo socota u sheeg , ilayn waa nin boholyawsane minit gudaheed ayuu shan qorshe kaaga wadda sheekaynayaa , Si sheeko oo kale ah ayuu doonayaa inuu kugu dawadsiiyo waddamo badan oo uu tahriib ku sii maray iyo waliba waddamada yurub oo dhan ,
Haddii ba aad cabaar sii sheekaysataan sheekadu waxay idinla tagaysaa waddano kale oo aanu arragba inuu kaaga sheekeyo ,Waxaa ugu weyn ee uu samayn karaa waa inuu u sheekeeyo oo kaliya cidkasta oo online ka ah internetka , Mar facebook ayuu eegayaa cidda online ka ah haddana ka rog oo sar Snabchat ayuu ba video iska yar duubayaa , Noloshiba waxay kaga soo koobantay in ay smartphone iyo laptop ayay walalo iyo qaraabo noqdaan ,Cid iyo ciirsi toona ma haysto oo qol saddex mitir ah oo isku weer ah ayuu waddanka kaga nool yahay , mana waalna mana fayooba oo isaga laftigiisa ayaa is raadinaya inuu faano oo kaliya ayuu u noolyahay oo kalsooniddi ayaa ka luntay oo wuxuu moodayaa inuu qofkastaba video camara ku daawanayo waayihiisa nololeed, Waa sababta keentay inuu xaqiiqda ka hadal , Balse haddii uu kalsooni kugu qabo oo aad saxib fog ahaydeen minite gudaheed ayaad ku karhaysaa calaacalkiisa iyo niyad xumadiisa ,
Waa waayo arrag nololeed siddoo kale waa mujaahid hamigiisa iyo himiladiisa u maray waddooyinkii dhimmashada ama ba waa halyey hamigiisa u sadqeeyey naftiisa , Sidoo kale waa geesi u badheedhay wax kasta oo dhici kara , Waa qof soo maray wadiiqoyinka geeridda iyo nolosha ba, Wuxuu na xarbi kula jiraa inuu naftisa fahansiiyo hummaagi u sawirtay iyo maxsuulkii uga soo baxay sawirkiisas , Dhibta ugu weyn ee uu soo maray waxaa kaga daran xaqiiqda imika hortaal ee u baahan in ay naftu rummaysato , kurbaddii iyo walaacii shalay waxaa maanta kala kulul noloshan uu ku soo dhex dhacay sidii uu ula qabsan lahaa ,Wagareey waa ba naf ku dhex baraarugtay in dhammaan dadkuba suntan yihiin( Sharci ay haystaan ), Summad la’aana midhiba dhici karin waana dhul ay adagtahay in lagu sunto oo calaamad am numbero aad ku noolato si dhayal ah lagugu siiyo , ( Passport ) helida sharciga ama summada waddamadan waa itaxaan dheer oo su’aalo badan oo ay fududahay dhicidiisu , waxay se u baahan tahay la qabsi iyo samir fara badan iyo talada Alleh oo aad ku qanacdo si kasta oo ay wax u dhacaanba.

Abokor Omar Osman
Email:Abokoromer@gmail.com