X

Jawaahir Caana-nuug Maxay Ku Weyday Xubinimadii Xisbigeeda? By. Jamaal Adan Bille

Waxaan rabaa inaan maanta fikirkayga ka dhiibto talaabadii khaldanayn ee ay ku kaceen madaxda xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ee waqooyiga Amerika oo ah in xubin nimadii xisbigaa la sheegay in laga saaray marwo Jawaahir Caano-nug oo sababta loga saaray xisbigana ay ku sheegeen kooxdani in marwadani ka qayb gashay soodhawayntii madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland Md A/raxman A/laahi Ismaaciil Zaylici oo April 14keeda 2015 lagu soo dhaweeyey magaaladan Toronto oo runtii ahayd waajib wadni ah oo saaran qof kasta oo reer Somaliland ah,laakiin waxaa nasiib daro ah in muwaadin sharaftiisa meel lagaga dhaco iyadoo loocuskanayo sababo garaadka ka aradan.
Waxan rabaa inaan u sheego nimankan sida yeelay inuu ka midyihiin rag iyagu ku soo dhaweeyey Md Zaylici dalka Maraykanka kuwaas oo ay ka mid yihiin C/casiis Buubaa(oo isagu uga soo dhoofay Minnesota sidii uu u carqaladayn lahaa soodhawaynta madaxweyne ku xigeenka) iyo gudoomiyaha xisbiga ee Maraykanka Mr xasan oo labadaba aan halkan soo dhigayo sawiradooda iyagoo ka qayb gelaya soodhawayntii Madaxweyne kuxigeenka.

Waxaan ka le oo aan rabaa inaan xasuusiyo in eng.faysal Cali waraabe lakulmay madaxweynaha dalka Somalia Xasan Sheikh Maxamuud isagoo aan sharci iyo dhaqantoona u haysan,markaa hadii taasi denbi ka noqonwayday xisbigan wareeray ma muwaadinad soo dhawaysay madaxdeeda ayaa danbi noqotay oo xilkii xubin nimo lagaga qaadayaa.

Ugu danbayntii waxaan ka raaligelinayaa Marwo Jawaahir Caano-nuug ficilkaa bilaa axshaxa ah isla markaana aqoonta ka aradan ee cisaabadani kula kacday.

Jamaal Adan Bille
Toronto,Canada

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post